Xog: Puntland oo HUB u daabuleysa CIIDAMO ka soo goostay Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) –ย Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaa ay ku qulqulayan Saraakiil iyo ciidamo hor leh oo kasoo goostay maamulka Somaliland.

Saraakiisha iyo ciidamada oo lasoo goostay Gaadiid dagaal ayey Puntland dajisay Xero ku taala deegaan 15 KM u jira degmada Qardho ee Puntland.

Maamulka Puntland oo ilaa iyo hadda u gacan haatinaya ciidamada baxsadka ka ah Somaliland ayaa saacadihii ugu danbeyay Hub u raray ciidamadaasi oo difaac kaga jira Somaliland.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo ka cudur daartay isticmaalka magacooda ayaa inoo xaqiijiyay in Saraakiil ka tirsan qeybta Militerig ay gaaren Xerada isla markaana Hub u geeyen ciidamada kasoo goostay Somaliland.

Ciidamada ay hubeyneyso Puntland ayaa waxaa hogaaminaaya Taliye Caarreย oo isagu doonaayo in abuuro Jabhad loogu magac daray dib u xoreynta Somaliland.

Sidoo kale, Hubka loo geeyay Taliye Caarreย iyo ciidamadiisa ayaa loogu talo galay in looga gaashanto duulaanka kaga imaankara Somaliland iyo in loo adeegsado weeraro lagu qaado Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa xooga saareysa ka faaโ€™iideysiga ciidamada kasoo goosta Somaliland oo uu kala dhexeeyo dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News