27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Qatar oo Somalia iyo Kenya dhex-dhexaadineysa si ay u ilaaliso heshiiska ENI ee shidaalka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Onlien) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Qatar ay soo faro-gelisay xiisadda ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Qatar oo eeganeysa danaheeda gaarka ah, ay dooneyso inay wada-hadal siiso Soomaaliya iyo Kenya, si ay xal uga gaaraan muranka u dhaxeeya,

Dareenka Qatar ay ku bixineyso murankan ayaa waxa uu salka ki hayaa xaqiiqda ah in Qatar ay dano ganacsi ka leedahay dhul-badeekda Soomaaliya ee Kenya ay sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa horey waxay saddex xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka Soomaaliya ee ay sheeganeyso uga iibisay shirkadda shidaalka ENI ee laga leeyahay dalka Talyaania.

ENI iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriri ganacsi wadaaga. Shirkadda shidaalka dowladda Qatar ee Qatar Petroleum ayaa waxa ay horey u iibsatay saamiyo ka mid ah xirmooyin shidaal badan oo shirkadda ENI ay gacanta ku dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkadda ENI inay iibsatay xirmooyin shidaal ku yaalla dhul-badeed ay si sharci-darro ah ku sheeganeyso dowladda Kenya.

Ma cadda, sida Qatar ay dhex-dhexaad uga noqon karto arrintan, maadaama ay ay xiriir ganacsi la leedahay shirkadda ENI oo danaynaysa in dhul-badeedka lagu muransan yahay uu noqdo mid Kenya, maadaama ay horey uga iibsatay xirmooyin shidaal.

Si kastaba, haddii Soomaaliya ay ku guuleysato kiiska badda ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, waxaa meesha ka baxaya heshiiska dowladda Kenya iyo shirkadda ENI, taasi oo aan dan ugu jirin shirkadda Qatar Petroleum ee xiriirka ganacsi wadaag la leh ENI.

Qatar ayaa ah dowladda saaxiibka koowaad la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo lagu tuhmayo inay gacan weyn ku lahayd doorashadii madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News