28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xog: QM oo ka hortageysa qorsho halis ah oo ay wado maamulka Hirshabelle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xafiiska QM ee Somalia uu wado qorsho looga hortagaayo in Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaan doona maamulka Hirshabelle lagu soo daro Shaqsiyaad u calaameysa QM.

Wararku waxa ay tibaaxayaan qorshahaani uu wado Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating oo kaashanaaya tirro wakiilo Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Michael Keating, ayaa is hortaag ku sameynaaya Siyaasiyiin dhowr ah oo horay uga soo qeybqaatay Xasuuqyadii hore ee dalka ka dhacay kuwaasi oo ay geysanayeen Hogaamiye Kooxeedyadii ka jiray Somalia, oo iminka u tartamaaya Aqalka Sare.

Shaqsiyaadka Aqalka Sare kasoo gali doona Maamulka Hirshabelle ee u calaameysan Michael Keating, ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan hore Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Cali Mahdi Maxamed iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo Liiska Musharaxiinta safka hore uga jira.

Michael Keating, ayaa diiday in Xubnaha Aqalka Sare lagu soo daro shaqsiyaad horay uga qeybqaatay Dilalka iyo Burburkii ka dhacay Somalia.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Michael Keating uu gaaro magaalada Jowhar si uu u fashiliyo suuragalnimada in Xubnahaasi ay kamid noqdaan Aqalka Sare.

Talaabadaani ayaa daba socta qeyla dhaan ay QM dhawaan kasoo saartay Guushii Cabdi Qeybdiid ee xubinimada Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News