Xog: Qorshe magaca looga beddelayo NISA oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe magaca looga beddelayo hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqjiiyeen Caasimada Online. 

Qorshahan oo uu wado agaasimaha cusub ee hay’adda Mahad Salaad oo xilka la wareegay Axaddii shalay, ayaa waxaa sidoo kale wax ka og madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay fahamsan tahay Caasimada Online).

Magaca cusub ee hay’adda ayaa la qorsheynayaa inuu noqdo, Federal Intelligence and Security Agency (FISA) ama Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Federaalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah isbeddel guud oo lagu sameynayo hay’adaha federaalka iyo si gaar ah hay’adda NISA, oo muddadii uu Farmaajo madaxweyaha ahaa noqotay mid ku milantay siyaasadda oo lagu fushado dano shaqsi.  

Si kastaba, si arrintan ay u hir-gesho waa in la horgeeyaa baarlamanka, laguna soo saaraa xeer baarlamaan, taasi oo la filayo inaysan dhib noqon doonin maadaama guddoonka baarlamanka ee hadda jira uu ku dhow yahay madaxweynaha. 

Qodobka 130-aad ee dastuurka federaalka ayaa dhigaya sida: Sharciga Hay’adaha Amaanka Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Sidaas darteed, awoodda magac ka beddelista hay’adda waxay si buuxda gacanta ugu jirtaa baarlamanka, haddii aan la helin daldaloolo looga wareegsan karo. 

Waxyaabaha uu diiradda saarayo madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo doortay 15-kii May ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta hay’adaha amniga iyo xaqiijinta amniga caasimadda. 

Hay’adda sirdoonka oo la aas-aasay 8-dii Janaayo 1970-kii waa markii hore uu magaceedu ahaa Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ama National Security Service (NSS). Waxaa magaca NISA loo bixiyey bishii Janaayo 2013-kii xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, markaasi oo dib loo aas-aasay.