25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

XOG: Reer Muqdisho oo laga siibay far in muddo ah ku taagneyd

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Reer Muqdisho, ayaa laga siibay far in muddo ah ku taagneyd, kadib markii Ciidamada Nabadsugida Dowladda Federaalka Somalia ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee isku dubaridi jiray dilalka ka dhanka ah shacabka Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Liibaan Gaagaale ayaa waxaa qabashadiisa ay ka danbeysay markii dabagal iyo xog la helay la dabagalay, laguna guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.

Liibaan Gaagaale ayaa Habeenimadii Arbacada xili saqdhexe ah lagu weeraray guri ku yaal xaafada Taleex, gaar ahaan dugsiga Osama Bin Zeyt ee degmada Hodan, halkaasi oo ilaalo la joogtay ay iska caabin kala kulmeen ciidamadii Nabadsugida, balse lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.

Ciidamada waxay kaloo ku guuleysteen iney Sarkaalkan lasoo qabtaan labo kale oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay rasaastii la isweydaarsanayay, labadaasi nin oo looga la sheegay iney ahaayeen kuwii shalay dilay Nabadoon Faarax Shire isla markaana ahaa nin Ganacsade ah, waxaana la dhigay xarunta dambi baarista ee CID.

Libaan Gaagaale waa Madaxa ciidamada amniyaad ee dilalka qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho, wuxuuna horay si dirqi ah ugu baxsaday ciidamada Nabadsugida, xiligaasi wixii ka danbeeyay waa lagu raad joogay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News