XOG: CC oo qorshe culus u tagaya Garoowe iyo Gaas oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid ayaa sheegaya in Sharmaarku uu ku wajahan yahay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Sharmaarke ayaa la sheegayaa in safarkaasi ay ku wehlin doonaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday, waxa ayna kulamo la qaadan doonaan Madaxweynaha maamulka Cabdi Weli Gaas.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadda laga soo sheegayaa inay ka socto qabanqaabada lagu soo dhaweynaayo Sharmaarke iyo Wafdigiisa, waxaana sidoo kale la adkeeyay amaanka magaalada Garoowe.

Sharmaarke ayaa la sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo ololihiisa doorashada, waxa uuna mudada halkaasi uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madxaweynaha maamulka iyo Ergada soo xuleysa Xildhibaanada kuwaasi oo uu weydiisan doono taageero.

Sharmaarke ayaa sidoo kale isku dayaya inuu helo xubin ka mid ah aqalka sare, sii uu uga sii mid ahaado haddii uu wayao xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, waxa uuna Safarka Sharmaarke imaanayaa iyadoo Puntland ay ku jirto jawi mashquul ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com