Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia C/Weli Sheekh Axmed,oo ah gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimuqraadiyadda Somalia ayaa dajinaya qorsho Siyaasadeed uu ku qalqal galinaayo siyaasadeed kooxda Dam-Jadiid.
Xog cusub ayaa sheegeysa in C/Weli uu iminka wado kulamo uu la qaadanayo Xildhibaanada BF Somalia gaar ahaan kuwa aan la dhacsaneyn Siyaasada hadda taagan, waxa uuna ka iibinayaa Siyaasada cusub ee Madasha Midnimada Dimuqraadiyadda Somalia.
Xogtu waxa ay sheegeysaa in C/weli Sheekh uu damacsan yahay inuu kiciyo Xildhibaanada BF si ay iminka usii bilaaban ololaha looga soo horjeysanaayo in Madaxweyne Xasan uu kororsado wakhtiga, oo iminka sanad iyo bar kaliya ay u hareen.
Waxaa weli jira shaqaaqo Siyaasadeed oo Ra’isul wasaarihii hore C/weli Sheekh kala dhexeysa Madaxweyne Xasan iyo La-taliyayaashiisa dhanka Siyaasada oo uu kamid yahay C/kariin Guuleed, waana tan keentay in C/weli uu ku dhiirado in Madashiisu ay kulmiso Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.
Ujeedka ka dambeysay aasaaska Madasha Midnimada Dimuqraadiyadda, ayaa ah in lagu carqaladeeyo Hanaanka Siyaasadeed ee Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana xusid mudan in Xubnaha ugu badan Madashaasi ay yihiin Xildhibaanadii fashiliyay dhowr kulan oo uu lahaa BF.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]