Xog: Sababta ay dalka Imaaraatka ugu shirayaan madaxdii dowladii hore iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online): Mudadii ugu dambeysay waxaa dhagaha shacabka Soomaaliyeed soo gaarayay in dalka imaaraatka ay ka socdaan shirar la doonayo in lagu majaxaabiyo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadaba shirarkan ayaa ah kuwo lagu qaato dhaqaale iyadoo dawlada imaaraatka lagu qanciyay bixinta lacagtaas si loo iibiyo siyaasada imaaraadka ee ah in Soomaaliya laga saaro Turkiga oo aan ognahay abaalka ay noo galeen xiliyadii ugu xumaa xaalada Soomaaliya.

Hawshan waxaa dulaalka ugu wayn ka noqday Ra’iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo lagu eedeyay mudadii uu xilka hayay inuu dantiisa gaar ka ah ka hormariyo danta guud iyo inuu ku sifoobay iibinta hantida qaranka waxaana lagu xusuustaa heshiiskii lagu iibiyay Badda Soomaaliya iyo heshiiayada ilaa maanta imaaraatka ay kula wareegayaan dekedaha dalka sida Barbara iyo Boosaaso.

Waxaa sidoo kale uu ka dambeeyay Cumar sidda muuqata in lasiiyo madaxda dowlad goboleedyada lacago yar si qaranka Soomaaliyeed loo bur buriyo.

Dawlada imaaratka oo aragtay dadnimo xumida siyaasiyiinta Soomaalidda ayaa wadahadalada qaran dumiska ah ku biirisay Madaxweynihii hore Xasan Shiikh, dad badan ayaa la yaaban sababta uu Xasan Shiikh u doortay inuu ka mid noqdo qorshaha uu wado Cumar Cabdirashiid waxaana la is weydiinaya iney ka tahay dagaal Farmaajo ama xoolo jeceyl.

Shariif Xasan ayaa ka haray madaxdii gobolada isagoo imaaraatka ka dalbaday in lacagaha la siiyay ka sokow uu ubaahan yahay taageero siyaasadeed kadib markii ciidamada itoobiya ay usheegeen in hada kadib aanay Baydhabo ka celin doonin mucaaradkiisa ayna xaq uleeyihiin inay la tartamaan isaga.

Dowladda Somalia ee hadda jirta ayaa la aaminsanyahay iney soo jeedo oo ay ogtahay halista kaga imaaneysa Imaaratka waxaase la fahmin sababta ay wali uga gaabsaneyso iney shacabka runta u sheegto si loo ogaado dadka halista ku ah midninmada iyo jiritaanka Somalia.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com