24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xog: Sababta Xasan oo isaga indha tirayo waxa ka socda xarunta…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay inuu indhaha ka fiirsanaayo dhibaatooyinka ka taagan magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug.

Sheekh Yuusuf Cismaan oo kamid ah Ergooyinka soo xuleysa Xildhibaanada BF ee ka imaaneysa Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha uu sheeda ka daawanaayo Khilaafyada ka taagan Xarunta doorashooyinka ka socdaan ee magaalada Cadaado.

Sheekh Yuusuf, waxa uu sheegay in waxa ka socdaa magaalada Cadaado ay tahay mid lagu hor istaagaayo doorashooyinka waxa uuna tilmaamay in goobta doorashooyinka ay noqotay mid qoryo leysku eryanaayo.

”Waxa ka socdo Cadaado maaha mid la qiyaasi karo waayo goobta doorashada waxaa maamulanaaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo xil doon ah, waxaan sheegayaa in dadkii kale la ilaaway”

”Waxaan anagu cadaado u imaanay inaan doorano Xildhibaanada na matali laheyd ee uma aanan imaan in nalagu eryo qoryo, waxaan hadda ka cabsi qabnaa in meesha uu ka dhex dhaco dagaal”

Sheekh Yuusuf, waxa uu Madaxweyne Xassan ugu baaqay inuu faragalin ku sameeyo muranka ka taagan magaalada Cadaado ee u dhexeeya beelaha aan wali soo xulan Xildhibaanada matali lahaa.

Wakhti aan munaasib aheyn ayuu sheegay in lasoo faragalin doono arrintaani waxa uuna ku taliyay in Madaxweyne Xassan uu xili hore ka hadlo.

Dhinaca kale, Sheekh Yuusuf waxa uu tilmaamay in waxa ka socda magaalada Cadaado ay tahay mid lagu dib dhigaayo xiliga doorashada Madaxweyninimo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News