Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan lagu wadaa in uu safar rasmi ah ku tago dalka Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Safarkan ayaa waxaa Saciid Deni ku wehlin doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland, iyadoo socdaalkan uu noqonayo mid ka duwan safarradii hore ee Madaxweyne Deni, maadaama ay qeyb ka noqonayaan xubno ka socda golayaasha dowladda, kuwaasoo la filayo in ay ka qeyb-galaan shirar rasmi ah oo lala yeelanayo madaxda Itoobiya.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu Addis Ababa ku qaabili doono Madaxweyne Deni, halkaasi oo wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doonaan labada dhinac.
Kulanka ayaa diirada lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, xakamaynta socdaalka sharci darrada ah, la-dagaallanka argagixisada, iyo kobcinta ganacsiga iyo weliba maalgashiga u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.
Kadib kulamada Addis Ababa, wafdiga Puntland ayaa la filayaa in ay u sii gudbaan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ka dhici doonaan kulamo u dhaxeeya labada dhinac.
Kulamada Jigjiga ayaa lagu wadaa in ay diiradda saaraan sidii loo dardar-gelin lahaa hirgelinta wixii labada dhinac ku gaaraan Addis Ababa, iyadoo laga duulayo iskaashi ku saleysan deris wanaag iyo wax wada qabsi.
Safarka uu Saciid ku tegi doono Addis Ababa ayaa imaanaya xilli uu wajahayo fashil siyaasadeed gudaha ah, kadib markii uu ku guuldareystay kala furfurka maamulka SSC oo dhameystirkiisa loo fadhiyo magaalada Laascaanood.
Iyadoo SSC-Khaatumo ay sii xoogaysanayso oo himiladeedu sii ballaaranayso, ayay xeeladdii Puntland burburtay, kadib markii maamulka uu ku fashilmay inuu tallaabo ka qaado shaqsiyaadkii ku hawlanaa dhismaha maamulka uu kasoo horjeedo, uuna lumiyay deegaanadii uu ku doodayay inay hoostagaan maamulkiisa.
Si kastaba, Maamulka Deni oo Dowladda Federaalka ay guul siyaasadeed uga gaartay dhameystirka dhismaha maamulka SSC, ayaa haatan u muuqda mid raadinaya saaxiibtinimada Addis Ababa, si uu ugu xumeeyo dowladda dhexe, maadaama ay weli xukuumadda Abiy ku dhagan tahay heshiiskii ay sida weyn uga hortimid ee Somaliland, isla markaana ay burburtay dhex-dhexaadintii Ankara.