26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Xog: Saraakiil kale oo loo xiray qaraxii DAALLO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Shabakada Caasimada Online oo wali ku guda jirta wax ka ogaanshiyaha Qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlienes, ayaa waxa ay goordhow heshay Xogo dheeraad ah oo ku saabsan Saraakiisha u xiran fududeynta Qaraxaasi.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka saacadihii ugu danbeeyay ay gudaha Garoonka kala soo baxday Ilaa Seddex Sargaal oo ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan Waaxda Duulista Hawada.

Saraakiishaani saacadihii ugu danbeeyay la xiray ayaa waxa ay ku biiren Tobaneeyo shaqaale ka tirsan Garoonka oo loo qabtay Qaraxa Diyaaradda Daallo.

Saraakiisha laga xiray Waaxda Duulista, ayaa waxa ay xogtu muujineysaa inay faramuuqen qaar kamid ah Ragga u xiran baaritaanada iminka socda.

Ragga baaritaanka lagu hayo ayaa sidoo kale faramuuqay Saraakiil iyo Shaqaale kale oo aan maalmahaani soo shaqa galin kuwaasi oo laga baadi-goobaayo magalada.

Saraakiisha laga xiray Waaxda Duulista ayaa waxa ayaa la rumeysan yahay inay kor kala socdeen Qaraxa, islamarkaana ay kaalin buuxda ka qaaten weerarka Daallo.

Sidoo kale, waxaa jiraan calaamado muujin kara inay Saraakiil ka tirsan waaxda duullista Hawada wax ka ogaayeen Qaraxa lala maaganaa in Diyaaradda iyo Dadka saaran lagu burburiyo, calaamadahaasi oo gacanta loo galiyay Hay’adda NISA.

Dhanka kale, Kaamerooyinka baaritaanka lagu hayo ayaa waxaa si wadajir ah u maamulaaya AMISOM, Ciiddanka Ammaanka Somalia iyo Shirkadda Turkishka ee gacanta ku haysa Hawlgalladda Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News