25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog + Sawirro: Imaaraadka oo Axmed Madoobe u gudbiyey farriin u muuqatay inay qasab tahay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia Maxamed Alcuthmaani, ayaa kulan khaas ah ku yeeshay Madaxtooyada Maamulka.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid salka ku hayay dhinacyo kala duwan oo ay kamid tahay dhanka Siyaasada, Ciidamada, Abaaraha iyo Doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Axmed Madoobe iyo Maxamed Alcuthmaani, ayaa si qoto dheer uga wada hadlay doorashada Somalia, waxa uuna Maxamed Alcuthmaani sheegay in DFS ay ku tiirsan tahay maamulada dalka loona baahan yahay in Dowlada lagu garabsiiyo Doorashada iyada oo aan dhicin qalalaaso.

Maxamed Alcuthmaani, waxa uu Axmed Madoobe u sheegay in Somalia muddo intaan kabadan aysan u dulqaadan karin Burbur iyo in la qaadaco go’aanada kasoo baxa Dowlada taasi oo uu ku micneeyay kuwo meesha ka saaraya midnimada Somalia.

Alcuthmaani, ayaa sheegay in doorashada iminka dhaceysa Jubbaland looga baahan yahay inay muujiso garab istaaga Dowlada islamarkaana tanaasul ka muujiso dhammaan wixii horay u dhacay.

Alcuthmaani, waxa uu kalsooni ka muujiyay in Somalia sanadaha dhow ay gaari doonto horumar, waa haddii ay maamulada dalka muujiyaan kalsoonida Dowlada.

Sidoo kale, Maxamed Alcuthmaani waxa uu Axmed Madoobe ku booriyay in maamulka Puntland uu waxbadan ka tuso ahmiyada midowga Somalia, si uu yiri aysan wax waliba ugu saleyn maslaxada gaarka ah.

Alcuthmaani, waxa uu Jubbaland u ballanqaaday inuu ka saacidi doono dhinacyada amaanka, kabashada ciidamada iyo dhanka Abaaraha, isaga oo balanqaadkaasi ku saleeyay baahiyaha taagan.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay dhammaan tallooyinka uu usoo jeediyay Maxamed Alcuthmaani, waxa uuna dhankiisa ka balanqaaday inuu garab weyn ka geysan doono fulinteeda.

Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay ballanqaadka Danjire Maxamed Alcuthmaani.

IMAARAAD2IMAARAAD4,IMAARAAD8,,Axmed madoobe iyo imaaraadka

- Advertisement -

Read more

Local News