Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay dhaqaale xoogan ugu deeqday Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku gaaray magaalada Abu Dabai.
Dowlada Imaaraadka oo horay ballanqaad ugu sameysay Sheekh Shariif, ayaa iminka ka dhabeysay ballanqaadkeeda waxaana la xaqiijiyay inay gudoonsiisay ”Laba Boqol iyo Konton Milyan” oo dollarka Mareykanka ah.
Lacagtaani loogu deeqay Sheekh Shariif ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in loo adeegsado Xildhibaanada BFS ee Madaxweynaha cusub dooran doona.
Sheekh Shariif ayaa dhaqaalaha ugu badan ka helay Dowladaha Imaaraadka, Turkiga iyo Qadar oo raja ka qabta in wadaadka uu mar kale hogaamiyo Siyaasada Somalia.
Shariifka ayaa sidoo kale dhaqaale ka helay qaar ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Abgaal ee dalalka Kenya iyo South Afrika ka shaqeysta.
Imaaraadka ayaa sidoo kale horey dhaqaale u siiyey ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, inkasta oo toddobaadyadii dhowaa xiriirkooda uu u muuqday mid gaabis sii noqonaya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]