25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

SHARIIF XASAN oo keensaday SIYAASI caan ah oo wasiir loogu magacaabayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamulka Seddexda Gobol ee Koofur Galbeed Somalia uu Xassan Sheekh u gudbiyay shaqsiga looga dhigi lahaa Wasiirka Gaashandhiga.

Wararku waxa ay intaa kusii darayan in Madaxweynaha Maamulka 3-Gobol uu dadaal xoogan xiligaani ugu jiro sidii Madoobe Nounow Maxamed looga dhigi lahaa Wasiirka Gaashandhiga DF Somalia, iyadoona ay xogtu tibaaxeyso in Madaxweynaha dalka uu arrintaasi aqbalay, inkastoo ay suuragal tahay inuu dhaco Isbedel ku aadan Mowqifka Shariif Xassan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu tani ku qancinayo Madoobe Nuunoow, kadib markii ay ku ballameen arrintan, si uu uga tanaasulo maamulkii lixda gobol.

Arrintaani ayaa muujineyso awoodaha qarsoon ee Shariif Xassan uu ku lee yahay Xarunta Madaxtooyada waxa ayna ka turjumeysaa in DF Somalia ay xiligaani ahmiyad gaar ah siineyso Siyaasadaha Madaxweynaha Mamaulka 3-Gobol ee Somalia.

Waxaa sidoo kale xusid mudan inuu kaalin buuxda ka qaatay keenista Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo la sheegay in isaga uu wato.

Ugu dambeyntii, Shariif Xassan ayaa waxa uu hada ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, isaga oo xusul duub ugu jira hir galinta ilaa iyo Afar wasaaradood oo isugu jiri doono Wasiiro iyo ku-xigeeno oo uu horay ugu balanqaaday Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid oo isaguna saaxiib dhow la ah Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News