Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dhaqaale xoogan ku wareejiyay Xil.Cabdirashiid Xiddig oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha BFS.
Dhaqaalahaasi oo cadadkeeda lagu sheegay ”Seddex Milyan iyo Bar”, ayaa waxaa loogu tallo galay in Xildhibaan Xiddig uu u adeegsado Doorashada Guddoonka BFS, si uu u kasbado Xildhibaanada.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in dhaqaalahaasi ay bixisay Dowlada Ethiopia oo Siyaasad ahaan taageersan Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ahna Musharax loolan ugu jira qabashada xilka Madaxweyninimo ee dalka.
Ujeedka ay dowlada Ethiopia u bixisay dhaqaalahaasi ayaa ah in meesha laga saaro hamiga Musharaxiinta Beesha Daarood, waxa ayna taa ka dhigan tahay in Musharaxiinta Beeshaasi aysan qabankarin xilka Madaxweyninimo haddii ay dhacdo in Xiddig uu kusoo baxo Doorashada Guddoonka BFS.
Dowlada Ethiopia ayaa si sahlan ku maamulikarta dalka Somalia, haddii ay dhacdo in Xil.Cabdirashiid Xiddig uu ku guuleysto Doorashada.
Xil.Cabdirashiid Xiddig, ayaa waxaa dhaqaalahaasi loo soo mariyay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo labadii Asbuuc ee ugu danbeysay ku noq noqonaayay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Geesta kale, waxaan la saadaalinkarin guusha iyo guuldarada Xil.Cabdirashiid Xiddig maadaama lagu bixinaayo dhaqaale culus.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]