26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Shariifka iyo Xasan oo isku ciidan urursanaya iyo cabsi ka taaga Xamar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu diyaarsaday ciidamo ku beel ah iyo gaadiid kuwa dagaalka ah, ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto Muqdisho.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa socday abaabul iyo isu keenida ciidamo beel ahaan kasoo jeeda beesha uu ka dhashay Shariifka ee Hart-Abgaal, oo beled iyo baadiyo iska wacday, ayada oo badankood ay ka yimaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Waqooyiga Muqdisho.

Ilaa lix boqol oo ciidan ayaa lagu waramayaa in uu diyaarsaday Sheekh Shariif iyo gaadiidkooda dagaalka, waxaana la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa in uu Shariifka isu keeno cudud intaas la eg, hase yeeshee waxaa jirta inuu qabo cabsi ah in doorashada la musuq maasuqo.

Ilo ku dhow Shariifka ayaa laga soo xigtay inay ka cabsi qabaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu doorashada musuq maasuq, ama u adeegsado cabsi gelinta xildhibaanada, inkasta oo arrintan aan wax caddeyn ah loo hayn.

Milatariga dowladda Soomaaliya ayaa u badan beesha Shariifka, maadaama badankood uu isaga aas aasay, waxaana la sheegay inay qaarkood kasoo baxeen ciidamada dowladda.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Boorsaani ay dhankooda diyaarsadeen ciidamo gaar ah oo maalmahaan ay isu keenayeen.

Xasan Sheekh ayaa arintaasi wuxuu u wakiishay Sheekh Yuusuf Boorsaani oo abaabulka uu waday laga dareemayay Muqdisho, ayada oo laga cabsi qabo in ciidamada dowladda ee Xasan taageersan iyo kuwa kasoo jeeda beesha Shariifka ay isku dhacaan.

Dadka Muqdisho ayaa dhegta u taagaya arrintan, iyadoo ay jirto cabsi ay dadka ka qabaan isku dhac ka dhasha natiijada doorashada madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News