Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka mucaaradka uga socday magaalada Kismaayo ayaa isfaham buuxa kusoo dhammaaday, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Shirkan oo u dhaxeeyay xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa waxaaa maanta lagu jaangooyay qaab dhismeedka Golaha Mustaqbalka, iyadoo dhinacyadu isfaham ka gaareen arrintaas.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale isku afgartay nuxurka war-murtiyeedka guud ee shirwaynaha aaya-katashiga ee Kismaayo.
Golaha ayaa isku raacday in hannaan saddex geesood ah oo kala ah: Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta loo hago hawlaha golahan. Tan ayaa xal looga gaaray ismari-waaggii xalay ka taagnaa hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in Guddiga Farsamada ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdullaahi Abuular Xaaji (Carab) inay sii hayaan hawlaha Golaha Mustaqbalka.
Shirweynaha ayaa lasoo xirayaa caawa, iyadoo goordhow uu soo baxayo war-murtiyeedka, waxaana muuqata in garabyada Kismaayo iskugu tegay ay si buuxdo iskugu afgarteen arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale waxay dhinacyadu isla qaateen dhawrista dastuurkii 2012, kaas oo wax ka beddel ay ku sameysay Dowladda Federaalka iyo maaraynta xilliga kala-guurka ah.
Madaxda saddexda maalmood ku shirsanaa Kismaayo ayaa sidoo kale aragti mideysan ka qaatay waxa laga yeelayo marka uu idlaado muddo xileedka dastuuriga ah ee hay’adaha Dowladda Federaalka 16-ka May 2026, iyagoo si wadajir ah uga horyimid muddo kororsi sharci darro ah.

