Xog: Siilaanyo oo maxkamadda ICC lala korayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maamulkiisa uu maxkamad la tiigsan doono madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweyne Galeyr oo ka hadlay doorta madaxweyne Siilaanyo uu ku lahaa dagaaladii dadka ay ku dhinteen ee ka dhacay deegaanada Sool iyo Sanaad ayaa sheegay in taasi ay qasabtay iney diyaariyaan dacwad ka dhan ah Siilaanyo.

Waxaa uu tilmaamay in hada ay socota dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo loo gudbiyay Maxkamada Danbiyada Dagaalka Caalamiga ee Heeg Xarunteeduna tahay Dalka Holand.

Qareenadii Furi lahaa Gal Dacwadeedkan ayuu Dr Galeyr Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Shaaciyay  iney Hada howqlohooda meel dhamaad ah umareyso.

Cali Khaliif Galer ayaa hadalkiisa kusoo hadal qaaday warar mudooyinkan ay faafinayeen qaar kamid ah warbaahinada Soomaalida oo la xiriirta in Madaxweynuhu looga yeeray Adis-Ababa si ay uwada hadlaan isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Wadahadaladaas ayuu sheegay iney yihiiin kuwo been abuur ah isagoona dhinaca kale meesha ka saaray inuu ku haminayo ku biirista Maamulka Somaliland ee Xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com