Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu dhowaan safar rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulankaas diiradda lagu saari doonaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Badda (MoU) ee la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin.
Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu doonayo “wadahadal toos ah” oo uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy si ay uga arrinsadaan heshiiskaasi, kaasoo la saxiixay xilligii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya.
“La’aanta aqoonsi buuxa oo caalami ah, madaxweynuhu ma aqbali doono wax ka hooseeya,” ayuu yiri la-taliye madaxweynaha ka tirsan oo codsaday in aan la magacaabin. “Wuxuu doonayaa in arrimaha la kala caddeeyo oo uu si toos ah ula hadlo hoggaanka Itoobiya kahor inta uusan tallaabo dambe qaadin.”
Heshiiska MoU-da oo aan wali dhaqan gelin, ayaa noqday udub-dhexaadka dadaallada diblomaasiyadeed ee Cirro tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Bishii hore, intii uu ku sugnaa safar rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti, Madaxweyne Cirro waxa uu wadahadallo la yeeshay diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Safiirka Itoobiya ee Jabuuti, Kebede Abera Ido.
Wadahadalladooda waxa ay diiradda saareen arrimaha amniga gobolka, marin-biyoodka Badda Cas, xoojinta ganacsiga, iyo fursadaha maalgashi ee labada dhinac.
“Waxa uu madaxweynuhu la falanqeeyay safiirrada horumarinta dhaqaalaha gobolka, fursadaha maalgashi, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha, iyo kordhinta gargaarka bani’aadannimo,” ayuu yiri Xuseen Aadan Cige, afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, war-saxaafadeed uu soo saaray bishii May.
Ku-xigeenka safiirka Itoobiya, Kebede, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Itoobiya ay xiisaynayso xoojinta iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo amniga.
Itoobiya oo aan lahayn marin badeed ayaa muddo dheer raadineysay waddooyin kale oo badeed si ay u horumariso awooddeeda dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.
Madaxweyne Cirro, oo xoojinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, ayaa sidoo kale toddobaadkii hore kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye magaalada Nairobi. Kulankaas ayuu mar kale ku adkeeyay baaqii Somaliland ee ahaa in la helo aqoonsi caalami ah.
“Ma nihin dad u yimid Nairobi si ay u baryaan,” ayuu Cirro u sheegay ka qaybgalayaashii kulanka. “Ma raadinayno deeq; waxaan halkaan u nimid inaan dhisno iskaashi dhab ah oo aan la yeelanno dowlado, maalgashadayaal, iyo hay’ado fahamsan qiimaha ay leedahay faa’iido wadaag.”
Dadka Somaliland badankood waxay weli rajo weyn ka qabaan in wada-shaqaynta Itoobiya ay horseedi karto aqoonsi caalami ah — himilo Somaliland ay ku taamaysay tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.