Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Asharqal-awsad ee kasoo baxa dalka Sacuudiga, ayaa qoray in ciidamada dalka Yemen ay toogasho ku dileen Soomaali ka barbar dagaalamaayay Xuuthiyiinta dalka Yemen.
Wargeyska ayaa qoray in Dagaalyahaanada la dilay ay ahaayen kuwo xilal kala duwan u hayay Xuuthiyiinta kuwaasi oo lagu dilay dagaal ay wada galeen.
Wargeyska waxa uu intaa raaciyay in ragga la dilay ay ahaayen Labo kuwaasi oo hogaaminaayay Dagaalyahaano Xuuthiyiin ah.
Dagaalka dhexmaray ciidamada Yemen iyo Xuuthiyiinta ayaa ka dhacay Tuulladda Al-sayaar oo hoos taga Degmadda Al-salwa ee duleedka magaalladda Ticis.
Sargaal magaciisa ku sheegay Axmed Al-dabxaani oo ka tirsan Ciidanka Yeman oo u waramaayay Wargeyska ayaa sheegay in dagaalyahaanada ay dileen ay aad u farabadnaayen balse labo kamid ah ay ahaayen Soomaali.
Dowlada Yeman waxa ay sheegtay in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ku jiraan dagaalyahaano jinsiyado kala duwan heysta, waxa ayna wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka inta laga soo afjari doono dagaalka.
Waa markii ugu horeysay oo dowlada Yemen ay shaaciso in dagaalyahaano kasoo jeeda Somalia kana tirsan Xuuthiyiinta ku disho dagaal fool-ka-fool ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

