28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Suntii lagu shubay badda Somalia ee DFS dhaqaalaha ku qaadatay oo lagu xanuunsaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdsisho (Caasimada Online) – Sida dhawaan ay qoreen Wargeysyo kasoo kala baxa Kenya iyo Britain, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Dowlada Somalia ay heshiis la gashay shirkado qashinka iyo haraadiga sunta nugleerka ku shubta Biyaha Somalia.

Qoraalkaasi sirta ahaa kadib ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee xeebaha kale ee dalka laga dareemaayay in dadka u dabaalashada taga ay kasoo qaadan xanuuno ku dhaca maqaarka kuwaasi oo aan ilaa iyo hadda la garankarin waxa ay yihiin.

Dadka qaar ee sida aadka ah ugu dabaasha taga Badda, ayaa waxaa la soo gudboonaaday xanuuno ay kamid yihiin ”Candho” oo inta badan badasha muuqaalka jirka, Cun cun ku dhaca dadka kusoo dabaasha Badda, waxaana sidoo kale dib usoo laabtay xanuunkii loogu magac daray ”Kaduudiyaha” kaasi oo bilowgiisii hor ka dhashay Suntii dhowr sano un ka hor lagu shubay Badda Somalia.

Dadka qaar ayaa neefsashada Badda ka qaaday xanuuno kale oo aan dadku inta badan kusoo baraarugin kuwaasi oo ah madax-xanuun, neerfo iyo xanuuno kale, balse saameynta ugu weyn ee ka dhalatay Sunta iyo wasaqda lagu shubay Badda ayaa ah xanuunka kaduudiyaha iyo cudurada ku dhaca maqaarka.

Qoraaladii kusoo baxay Wargeysyadaasi ayaa waxaa ku jiray nuqulo muujinaaya in Sunta iyo wasaqda lagu shubo Badda Somalia ay yihiin kuwo aad uu u sareeyo tankooda, islamarkaana ay ka feejignaayen Caalmaka balse DFS dhaqaale adag lagu siiyay si Suntaasi dhalisay xanuunada kala duwan loogu shubo badda.

Docda kale, Xanuunada ka dhashay Suntaasi ayaa waxaa laga dareemayaa jawiga guud ahaan Somalia, waxa ayna saameynteeda ka muuqataa dadka ku ag nool Xeebaha Badda iyo kuwa u dabaalashada taga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News