Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gara ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeyesa in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu wado qorsho uu xilka uga qaadayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaran Xuseen Cismaan Xuseen.
Qorshaha socda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameyn doono Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/Wali Jaamac Xuseen (Gorod).
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Taliyaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan lagu bedeli doono Wasiirkii hore ee Amniga dowladii Xasan Sheekh Mr Khaliif Axmed Ereg.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Gorod, ayaa waxaa isna lagu wadaa in lagu bedeli doono Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe.
Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Khiliif Erag iyo Indha-qarshe oo bilihii ugu danbeeyay ahaa dibadjoog, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inuu u yeeray Madaxweyne Farmaajo ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale, Seddexdii bil ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaayay dilal iyo Qaraxyo kala duwan oo hoos u dhigay miisanka dowlada Somalia oo markii hore ahaa mid aad u sareeyay.
Si dhab ah looma oga in Madaxweyne Farmaajo uu dhaqan galin doono qorshahaani iyo inuu dib uga laaban doono waxaana xusid mudan in iminka uu bilaabay latashiga beelaha Hawiye.