25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Taliyeyaal ciidanka nabad-sugida ka tirsanaa oo xilalka laga qaaday !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan xogo aan helayno madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilalka hayada nabad sugida qaranka ka qaaday saraakiil hayada ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya in xilka laga qaaday taliye ku xigeenkii hayada Nabad sugida qaranka Soomaaliya oo magaciisa lagu koobay C/Salaan, iyado aanan helin ruuxii lagu badalay.

Sidoo kale waxaa xilkiisa wayay taliyihii hayada nabad sugida gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofir, waxaana lagu badalay Mr C/xakiin oo noqonaya taliyaha hayada nabad sugida Banaadir.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in C/xakiin uu kamid ahaa saraakiisha ciidamada ee madaxtooyada Somaaliya, laguna badalay Mr Koofi.

Maxamed Aadan Koofi, ayaa ka maqan dalka Soomaaliya mana la oga sababta uu dalka kaga maqnaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News