Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii galabnimadii Jimacaha March 18,2016 ay kasoo dagtey garoonka diyaardaha magaalada Garowe Labo diyaardood ee la sheegey iney hub u sidaan dowlada Puntland ayaa waxaan ka helnay xog dheeri ah.
Caasimada Online ayaa fahansan in diyaarada koowaad “nooca qaada rakaabka” ay dowlada Federaalka soo saartey 50 kartoon kaluunka qasacadeysan “Tuna” iyo 45 ( 45X800= 36000 xabo) sanduuq rasaasta loo isticmaalo qoriga AK47.
Diyaarada labaad oo sida aan xogtaan ku heleyno uu ku deeqey wadan kamid ah saaxiibada Somalia ayaa waxaa saarnaa rasaas kala ah; 15 sanduuq rasaasta qoriga PKM ( 15X700= 10,500), 10 sanduuq rasaasta qoriga loo yaqaan Dhashiikaha ( 10X 800= 8000) iyo 70 sanduuq rasaasta AK47 ( 70X800= 56000).
Warar aan ka heley saraakiil ka tirsan Puntland oo diidey in aan xusno magacooda xaalada jirta awgeed ayaa sheegey in dowlada Federalka ka codsatey xukuumada Puntland iney soo saarto warsaxafdeed ay ugu mahadnaqeyso dowlada Somalia tageerada ay ka heshey balse ka gaabsadeen.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in shacabka Puntland shaki ka muujiyeen waqtiga lagu beegey soo dirista rasaastaan xilli dowlada Federaalka wel wel weyn ka haysto diidmada Puntland ee nidaamka qaybsiga 4.5.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]