Xog: Villa Somalia iyo R/W Kheyre oo isku khilaafsan musharaxooda Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Puntland oo ay 6 maalmood ka harsan tahay ayaa waxaa hadda soo baxaya tirada musharax ee ay wadato dowladda Federal-ka ah.

Sida ay Caasimada Online xog la’isku halayn karo ku heshay, xukumadda uu hoggaamiyo Ra’iiusl Wasaare Kheyre waxa ay xoogeeda isugu geysay sidii uu ku soo bixi lahaa Siciid Cabdullahi Deni.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Villa Somalia ay iyadu door bideyso Cali Xaaji Warsame, Maxamuud Khaliif Jebiye iyo Faarax Cali Shire.

Sidoo kale Villa Somalia waxa ay dooneysaa haddii aysan soo bixin saddexda musharax ee hore in aysan dhib ku qabeyn Cabdiweli Cali Gaas iyo Siciid Faarax Juxa.

Villa Somalia iyo Xafiiska Raiusl Wasaaraha sida ay Caasimada  Online xogta ku heleyso marnaba kama midoobin musharaxa la taageerayo iyada oo uu Kheyre xilli hore talo saartay Siciid Cabdullahi Deni oo ay Daamjadiid ka wada tirsanaan jireen.

Hase ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu ku taliyey in Nabad iyo Nolol taageerto Cali Xaaji oo ay saaxiib dhaw yihiin Madaxweynaha, Jabiye oo xilli hore soo codsaday iyo Faarax Cali Shire oo uu Faroole ka gaday.

Kulamo dhexmaray kooxda ku aragtida ah Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu guuldarreystay in isku aragti laga noqdo hoggaamiyaha ay Nabad iyo Nolol ka soo saari doont Garoowe.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaan dhib ku qabin sida aan xogta ku heleyno Cabdiweli Gaas oo muddooyinkii dambe xiriirkoodu soo wanaagsanayey iyo Juxa oo ay waligood ahaayeen kuwo isku dhaw.

Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha waxa ay isku dheceen Kheyre halka xiriirka isaga iyo Madaxweynaha in uu wanaagsan yahay laga fahmi karo sawirka u saran boggiisa Facebook, gaar ahaan qolofka kore (Cover Page-ka).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com