Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa la la filayaa in maanta ay shir deg-deg ah ku yeeshaan caasimada, si ay uga arrinsadaan go’aanka culus ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo dalbatay in gebi ahaan la kala diro kooxda loo yaqaano C6+ ee deggan xerada Xalane.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, saaxibada caalamiga ah ayaa haatan leh fadhi gaar ah oo ay ka yeelan doonaan arrinta soo korortay, waxaana qorshuhu yahay inay soo saaraan jawaab culus oo ku aadan tallaabada ay qaaday Villa Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa xalay soo saartay qoraal ka kooban laba bog oo ay uga hortimid dhaq-dhaqaaqa ay wadaan xubnaha beesha caalamka, waxayna ku tilmaamtay kooxdan mid duugowday oo aan waafaqsaneyn heerka siyaasadeed iyo hay’adeed oo uu maanta marayo dalka.
“Joogteynta C6+ sida aalad lagu hago siyaasadda dibadda waa mid duugoobay oo caqabad ku ah horumarka,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad oo warqad rasmi ah u diray wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya James Swan.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in madashan oo laga hirgeliyay xilli uu dalku ku jiray xaalad nugul, ay wax u dhimayso madax-bannaanida Soomaaliya isla markaana muujinayso in dalka weli la kontoroolo.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan wixii ka dambeeya aanay kooxda C6+ farogelin karin arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan go’aannada masiiriga ah ee dalka.
Arrintan ayaa muujineyso in haatan uu billowday dagaal xoogleh oo u dhexeeyo Villa Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka, xilli uu horay u taagnaa dagaal kale oo dowladda kala dhexeeyo mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.
Madasha C6+ ayaa la aas-aasay kadib 2010 si ay isugu keento daneeyeyaasha beesha caalamka – oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Boqortooyada Midowday, Talyaaniga, Iswidhan, Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD – si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya kaddib sannado colaado iyo burbur hay’adeed ah.
Kooxdan ayaa door muhiim ah ka ciyaartay hannaanka doorashooyinka, horumarinta nabadda, iyo hagidda kala-guurradii siyaasadeed ee dalku soo maray.
Si kastaba, xiisadda haatan soo korortay aya kusoo aadeyso xilli dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay dib u hanato doorkeeda caalamiga ah iyo in ay si buuxda ula wareegto hagidda siyaasadda iyo amniga gudaha dalka.