Xog-warran: 4 dowladood oo cadaawad u arka guusha Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho 8 Bishan ka dhacay Doorasho taariikhi ah oo ay soo dhaweeyen dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad.

Doorashadaani ayaa Somalia ku muteysatay cadaawad hor leh oo ay u qaaden Dowlado dhowr ah oo gumaad dadban ku hayay Somalia tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia.

Cadaawada loo qabo Somalia ayaa soo daahirtay tan iyo markii uu guuleystay Madaxweyn Maxamed C/llahi Farmaajo, kadib markii uu Doorashada ugu itaal sheegtay Musharaxiin dhowr ah oo ay wateen Dowladaha caadeystay faragalinta Somalia.

Dowladaha Cadaawada u aragta Guusha Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa kamid ah Dowladaha kala ah Ethioipia, Kenya, Uganda iyo Imaaraad Carabta oo la kala dhantaalay rajadii ay ka laheyd in dib usoo laabashada Xasan Sheekh.

Dowladaha sida ba’an kaga soo horjeeda Guusha Madaxweyne Farmaajo ee aan kor kusoo xusnay ayaa qaarkood sheegay inay aad uga xun yihiin Guusha Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, halka qaarna ay la aamuseen Carada ay ka qaaden Guuldarida.

Sidoo kale, Dowladaha ka xumaaday Guusha Madaxweynaha cusub, ayaa ku midoobay Howlgalka AMISOM, waxa ayna caradooda tahay mid salka ku heysa hakatka ku imaan doona Howlgalka magac u yaalka ah oo Ciidamadooda ay ka wadaan Somalia.

Dhinaca kale, Kheyraadka dalka Somalia ayaa waxaa si xad dhaaf ah uga macaasha Dowladaha Ethiopia, Kenya, Ugandha iyo Imaaraadka oo dhexda u galay Kheyraadka ay ka faa’iideysan lahaayen Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com