Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 4-aad)

By Asad Cabdullahi Mataan

Marka ay ummad la soo gudboonaadaan musiibooyin, sida kuwa maanta la dagay Soomaaliya, waxaa habboon in tallaabada ugu horreysa ay noqoto in la xakameeyo kaddibna xoogga la saaro sidii loo badbaadin lahaa khasaaraha ay qaystaan. Tusaale ahaan haddaan u soo qaadano: Marka ummad soo foodsaarto daad, ha ahaadeen kuwo u sabab ah roobab xad-dhaaf ah ama fatahaad webiyo, marka hore waxaa lama huraan ah in la xakameeyo si aanay khasaaruhu u badann, tallaabada xigtana ay noqoto in la daadgureeyo biyihii hore ee dhibaatooyinka gaystay. Bal ka warrama, haddii aad la kulanto dad meeshii ay ka daadgurayn lahaayeen biyihii ku sii kordhinayo biyo kale iyagoo aan ka xishoonayn kuna sii dhiirran aaminsanna inay fal qurux badan ku dhaqaaqayaan, isla markaana aan jirin cid ka hor istaagaysa. Ugu dambaytiina waxaa lama huraan ah in Ilaahay lagu shukriyo oo la yiraahdo “Alxamdu Lillaahi”, haddii uu intaa noogu ekeeyey waayo waxaa dhici lahayd mid ka sii daran. Soomaalidu, tan iyo intii musiibadu dul saarnayd waxay ku hawlanayd ilaa haddana la soo taagan tahay inay sii kordhiyaan, iyagoo aaminsan inay ku gaarayaan danahooda gaarka ah.

Anigu, mabda’iyan ma aaminsani mucaaradnimo nooc kasta ha ahaado,  waxaan ka door bidaa in si asluub ku dheehan tahay laysugu ifiyo  xumaanta iyo wanaagga, kuwaasoo qofkii rabo inuu ogaado waxaa ka xigta oo kelia inuu ku laabto Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabigeenna, naxariis korkiisa ha ahaato.

Waxaan shaki ku jirin inaan rajo laga qabi karin jiilka nasiibka u yeeshay inay soo arkaan dawladnimmadu waxay tahay, waayo intooda badan way ku fashilmeen inay horseed u noqdaan in dalku yeesho dawlad u adeegaysa danaha dalka iyo dadka intaba, iyagoo ka doorbiday danahooda gaarka ah. Haddaan u gudbo jiilka hadda jira, aan ka soo qaato kuwii dhashay intii dalku burbursanaa: Waa jiil aan si dhab ah ugu dhuuxi karin macnaha ay leeyihiin dawladnimada iyo nabadgelyada oo intaba aasaas u ah qaran, waayo waxay la kulmeen musiibadan oo aan marnaba mas’uuliyaddeeda dusha looga saari karin. Tusaale ahaan: marka aad dhadhamiso sonkor waxna lagaa wediiyo dhadhankeeda, dabcan waxaad ku jawaabaysa “ waa macaan tahay”, waayo waxaad garowsan tahay  inuu jiro dhadhanka dhanaanka ah sida cusbada ama milixda iwm. Haddaba, waa adag tahay in jiilka hadda jira uu awood u yeelan karo inuu fahmo qiimaha ay leeyihiin dawladnimada iyo nabadgelyadu sababtoo ah tan iyo markii ay dhasheen waxay ku soo barbaareen fowdada ilaa maanta dalku ka degi la’ yahay, mana filayo inay jirto cid isku taxluujisay inay jiilkaas uga sheekeeyso si garaadkoodu ku miisaami karo.

Qofna kuma dhasho luqad, garaad, aqoon, wadaninnimo iwm, waxa keliya uu ku dhasho waa dabeecadda oo ku lammaansan dhiigga dhaxalka ah “DNA”. Waa tan la yiraahdo “qof dabeecaddisa laguma naco lagamana beddeli karo”.

Dhallinyarada hadda jirta waa jiikii hoggaamin lahaa dalka, waxaa lama huraan ah in lagu manaysto tarbiyad hufan, maxaa yeelay waxaa soo food saari doona inay hoggaanka u qabtay dal iyo dad ka horumarsan midka hadda ay ku sugan yihiin iyo mushkiladaha ku lifaaqan. Qof kasta waxaa lagu xusuusan doonaa waxa uu u qabto dalkiisa iyo dadkiisa ee marnaba ma laga yaabo in lagu xusuusto hantidiisa nooc kasta ahaato. Qofkii dalkiisa iyo dadkiisa wax dhaxalgal ah u sameeyo, waxaa lagu xusuustaa in loogu magacdaro dugsiyo, waddooyin iwm, iyo in loo dhiso taallooyin si aan loo illoobin falalkii ay gaysteen. Weligiin dunida ma ka maqasheen nin maalqabeen ah oo daaro waaweyn lahaa oo taallo loo dhisay? Jawaabtu waa maya, sababtoo ah maalkiisa iyo daaraha waaweyn uu dhistay isaga ayey ku koobnaayeen ee ma noqon karaan kuwo ka dhexeeya ummadda. Horaa Soomaali u tiri “Waari maysidee war ha kaa haro”.

Sidaan hore u soo sheegay anigu waxaan nasiib u yeeshay Ilaahayna igu toosiyay inaan uga dhiso illinka wayn ee dugsiga Xalane hortiisa, kaddib markii anigoo ku jira Dugsiga Tababarrada ee Xalane,  aan la fajacay sida uu naftiisa ugu huray Calanka Soomaaliyeed si aanu ugu gacan gelin cadowga. Waxaa nasiibdarro ah in iyadoo la xusuusto halyaygaa calanka u dhintay, maanta qolo kasta maalin calan hor leh taaganayso, kuawasoo giddigood ku salaysan astaan qabiil.  Waxaa hore loo yiri: Islaantii maxaad ku ogeyd: indho la’aan, waxay ku darsatay dad cunnimo”.  Aniguna waxaan leeyahay: Soomaali maxaad ku ogeyd: qabiil, waxay ku darsatay inay u calan saarato.

Somaali aad baan u aqaan, dad badan ayaa iga rumaysan doonin oo i dhihi doono “Filimkaas Shaneemo Somaaliya ayaan ku fiirsaday”: Ilaaha weyn ayaan ku dhaartay, anigu geesigaas aan taallada u dhisay inaan maantadan la joogo aan war u hayn qabiilka uu u dhashay. Waa xaaraan in qof lagu qiimeeyo qabiilka uu ka dhashay, waxaa mudan in lagu qiimeeyo camalkiisa. Bal dib ugu noqda Qowlkii Ilaahay kaasoo dhowr jeer noogu caddeeyay in ummaddiisa kula xisaabtami doono camalkooda ee uusan dan ka lahayn qabiilka uu ka dhashay. Mashaa Allah.

Waxaan ammaan iyo xushmou soo jeedinayaa muwaadiniintii fara badnayd oo aniga iga horreyasay oo runtii marna ka daalin inay ummaddooda iyo madaxdoodaba u ifiyaan khaldaadka jira, hase yeeshee waxaa nasiibdarro ah inay giddigood noqdeen “hal bacad lagu lisay”. Giddigood waxaan leeyahay, Ilaahay ajir iyo xasanaat ha idinka siiyo….Aamiin……Mahadsanidin….La soco qaybaha xiga.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal