Qurbajoogta
Qaybihii horreyey waxaan isku dayey inaan si kooban uga xog-warramo qodobbo kala duwan oo lagu aanaynayo inay si toos ah iyo si dadbanba qayb ka ahaayeen mas’uuliyadda musiibada ku habsatay dalka iyo dadka. Waxaa afeef iga ah in ujeedkaygu uusan marnaba ku salaysnayn inaa qef kula kaco shakhsi, hay’ayd nooca kasta ha ahaato, hase yeeshee waxaan jaclahay inaan ka xog warramo dhaqanno kala duwan iyo sida ku habboonayd inay u dhacaan oo laga weeciyay.
Sida aan la soconno, markii laba kooxood ciyaarayaan waxaa muhiim ah in ay yeeshaan garsoore si uu ugu xaqsooro. Ujeeddada ka dambaysa falsafaddaas waa inaan laysku dayn labadooda, waayo koox kasta sida ay hadafkeeda ku gaarto ayey ku kacaysaa, iyadoo aan ku xisaabtamaynin inay si qallafsan u dhaqanto garsooruhuna waa shakhsi dibedda ka jooga oo fursad u leh inuu dhexdhexaad ka noqdo si hufanna ugu garsooro, kooxdii qalad ku kacdana u sheego. Sidaan horey u soo sheegay, qurbajoogta Soomaaliyeed oo aan ka baxsannahay inay ka mid yihiin kuwo ku fashilmeen noloshooda iyo midda qoysaskooda intaba, iskaba daayee inay u istaagaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda u badbaadin lahaayeen uguna horseedi lahaayeen midnnimo iyo horumar. Waxaan shaki lahayn inaau jirin qof sabab ama ujeeddo la’aan kugu gargaarin. Anigu ma jecli inaan halkan ku xuso ujeeddooyinka kala geddisan ee dawlduhu u gargaaraan qaxootiga, hase yeeshee waxaan u daynayaa inay qurbajoogta laftooda dib ugu kuur galaan anigoo hubo inay ka baxsan yihiin. Ujeeddada ugu muhiimsan ee dawladahaasi ka leeyihiin qaxootiga waa inay maalgashadaan kuna kobciyaan sidii ay berrito ugu adeegi lahaaneen danahooda
uguna diyaariyaan inay majaraha u qabtaan madaxtinimada waddammada ay danaynayaan in danahooda lagu fuliyo. Falsafadda ka dambaysa siyaddooda waxa keliya la dhihi karaa waa maalgashi, sida ay dhigayaan nidaamyada lagu dhaqo hay’adaha sirdoonka waaweyn ee dunida, sida KGB, CIA iwm. Ha’adahani waxay tababarro is-dabajoog ah siiyaan shakhsiyaad ay is-leeyihiin berrito ayaad ku adeegan doontaa, waxaana hubaa inaan qurbajoogta soomaaliyeed ka caaganayn dibinta ay dhigayaan ha’adaha aan hore u soo sheegay.
Haddaba, bal dib u eega, markii dawladaha waawayn ay arkaan inaan maslaxaddoda ku jirin madaxda dalkaasi qaarkood, waxay ku furayaan tashwiish iyo xasillonidarro, iyagoo adeegsanaya shaqkhsiyaadka ay barbaariyeen kaddibna ku wareejiyaan xukunka dalkaasi. Waxaa marag ma-doonto ah in dalalkii laga abuuray xasillonidarrada ay giddigood hoggaanka u hayaan dad qubajoogta ahaa oo la soo barbaariyey.
Aan u soo laabto dalkeena, waxaan markhaati ka nahay in hogggaanka dalkeenna ay noqdeen kuwo qurbajoogta ah ee dal shisheeyey noo soo xulay, giddigoodna ay haystaan dhalasho ama jinsiyad dal kale.
Anigu ma aha inaan giddigood eedaynayo ee waxaan ula jeedaa inta fursad u heshay haddaba ku fashilmay.
Ma waxaa la waayey dad ku abtirsada Soomaali keliya oo hoggaan u noqon kara dalka iyo dadkaba? Sidee aan ugu caloo fiyownaan karnaa inuu u adeego danada ummadda Soomaaliyeed? Haddaan indhaha iska tirayn waa arrin marnaba suuragal noqon karin, sababtoo ah dunida kama dhicin in qof laba dal daacan u noqon kara. Qurbajoogta, tallaabada ugu horreya ee ay qaadaan kaddib markii loo aqoonsado “Qaxootinimo”, waa inay ku wargeliyaan eheladdoda kuna faanaan in la qaabilay. Ilaahow, qof aan waxba ogeyn ha ciqaabin. Qofka qaxootiga ah, waxaa u muuqda oo keliya sidii uu u heli lahaa aqoonsi ee marnaba ma daneeyo inuu si hoose ugu derso waraaqaha laga saxiixayo ee la xiriira helitaanka aqoonsiga. Waxay ku qasban yihiin inay saxiixaan inay yihiin “Apolide” oo macnaheedu yahay “Qaranlaawe”. Soo ayaandarro ma aha in qofkaas uu ku soo noqdo dalkiisii uu hore u inkiray haddana hoggaanka u qabto. Anigu, waxaan Ilaahay uga mahadinayaa inuu iga ilaaliyay inaan godkaas ku dhaco.
Sidaa awgeed, waxaan jeclahay inaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee weli rajo ka qaba dalkooda iyo dadkooda inay iska ilaaliyaan falal iyo dhaqan aan shaki ku jirin ay qayb ka ahaayeen burburka Soomaaliyeed.
- Markii qof madax ah la doorto, waxaa caado noqotay in xaflado kharash badan ku baxay loo dhigo, isla amarkaana loola macaamilo sidii qof la hubiyey kartidiisa, isagoo aan talaabo qaadin. Aan is weydiinnee, wuxuu ku mutaystay kalsoonidaas? Jawaabta keliya waa taageerid ku salaysan qabyaalad. Maxaa diiday in marka hore qofkaas laga war dhowro wax qabadkiisa 100 maalmood ee ugu horreysa kuwaasoo ka siman yihiin madaxda adduunweynaha o dhan. Waxaa hore loo yiri “Barasho horteed ha i nicin”, Sideen kuu jeclaadaa ama kugu taageeraa, aqoonba kuuma hiliyee, madaxda Soomaaliduna waxaa lagu bartay inay iska indho tiraan ballannada ay ku dhiiradaan inta uu socdo ololaha doorashada, kuwasoo qaarkood aan og nahay inay ku soo baxeen si ka duwan sidii lagu yiqiinnay.
- Xilligii abaartii xumayd ee dhowaan la soo darastay Ummadda Soomaaliyeed, waxaan markhaati ka nahay in qurbajoogta ay ku dhiirradeen inay kharash aad u badan ku bixiyaan soodhowayn iwm intii ay u gargaari lahaayeen walaalooda abaabuhu baabi’iyeen.
- Haddaad rajo ka leedihiin dalkiina iyo dadkiina, ku dadaala inaad ubadkiina ku barbaarisaan sidii ay berrito si hufan oo caddaalad ku dhaahan tahay hogganka ugu qaban lahaayeen dalka, intii aad ku fekeraysaan o keliya inaad u dalxiis tagtaan oo aad qorrax u soo qaadataan, kaddib markaad ogaateen inaad ka arradan tihiin “Vitamin D”. Aaway damiirkii?
- Waxaan shaki ku jirin inaad ku nacawsateen nabadgelyada, caddaaladda iyo nolosha quruxda ee aad ku noosihiin. Maxaa idiin diiday inaad ku dadaashaan in dalkiinna iyo dadkiina ay mustaqbalka ku noolaadaan noloshaas iyo mid ka sii fiican.
- Waxaan ka xumahay in culimada qurbajoogta ay ku mashuulsan yihiin arrimo ka fog kuwo xil gaar ah ka saaran yihiin. Ilaahay dib ugu noqda, kaalin fiicanna ka qaata sidii aad ugu wacyigelin lahaydeen ubadka Soomaaliyeed, si ay berrito kor ugu qaadi lahaayeen Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda……..La soco qaybaha xiga Insha Allah.W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: [email protected]
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal

