Xog-warran: Bahdilka Soomaalida ku haysta garoonka Kismaayo iyo karaamada Kenyan-ka

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimadda online ayaa heshay xog ku aadan bahdilka Soomaalida ka heysato garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ay wadaan dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa bahdil iyo meel ka dhac ku heeyso dadka soomaaliyeed xaga safarada iyadoo qofka wata Passportka Kenya markuu Soomaaliya soo galayo lagu siiyo Visaha on Arrival Airport iyadoo aysan jirin wax shuruud ah oo lagu xujeenayo halka qofka Soomaaliga ah  shan boqol oo doolar looga  qaata visaha Kenya taasoo ay usii dheer tahay inuu sugayo muddo  sadex bilood ah.

Iyadoo sidaas ay jirto ayaa haddana waxaa soo baxay bahdil ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo markii loo diiday inuu halkaas ka dhoofo shaqaalo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo weliba wato Passportka loo yaqaan Service ee la siiyo shaqaalaha dowladda.

Arrintaan ayaa kismaayo ka dhacday 6 March 2017, waxaana xusid mudan inuu shaqsigaas watay waraaq casuumaad ah oo uu kaga qeybgalayey siminaar ka dhacayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shaqaalaha blues sky ee garoonka Kismaayo ayaa si cad ninkaas ugu diiday inuu garoonka ka dhoofo iyagoo u sheegay inuusan garoonka Wajeer ka dagi karin shaqsi aan Viso wadan hadduu doono ha wato Passporada kala duwan ee Soomaaliya sida: Diplomatic iyo Service ama midka caadiga ah, waxayna sheegeyn inay mamnuuc tahay inuu Kenya galo qof Soomaali ah oo aan wadin wax fiiso ah .

Haddaba su’aasha si waydiinta mudan ayaa ah aaway Maamulkii Immigration Soomaaliya ee uu hoggaamiye Koofi, aaway wasaaradii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ma waxay go’aansadeyn inay Soomaaliya dullinimo geliyaan weliba ay hoos geeyaan dowlad daciif ah oo waligeedba ku tiirsanaan jirtay Soomaaliya.

Dowladda Kenya inay Soomaaliya soo gasho Viso la’aan, Kenyana ay tiraahdo qof Soomaali ah oo aan Viso wadan nooma soo geli karo, taasi waxay muujineyso halka ay madaxda Soomaaliya dhigeyn qaranimadeena, sharaftii aan Africa ku laheyn iyo sumcaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa wax lagu xumaado ah in Kenyanka garoomada Muqdisho iyo gobolada Soomaaliya on Arrival lagu siiyo Visaha halka muwaadiniinta Soomaalida ay ku jiraan ciqaab iyo gumeysi midaas maahan wax loo dulqaan karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com