Xog-warran: Laba dhibaato oo xukuumada Kheyre kaga soo socota xisbiga Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si KMG ah gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda loogu doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud, xisbigaas oo la filayo in uu maalinta Khamiista ah si rasmi ah shaaca looga qaado.

Xisbiga cusub waxaa ku midoobay saddex Xisbi oo kala ah Daljir, xisbiga Peace and Development Party (PDP) iyo kutladda Horusocod iyo waliba siyaasiyiin kale.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in 80 xildhibaan iyo ka badan ay ka mid yihiin xisbigan maadama Daljir ay ku leeyihiin labada gole xubno, PDP oo ahaa Daamjadiid iyo waliba Horusocod oo ay sameysteen xubno ka tirsan golaha shacabka.

Dhaq dhaqaaqa Xisbigan waxa uu si weyn u saamenyn doonaa dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaana suurta-gal ah laba dhibaato oo xisbigan uu ku noqon karo dowladda

1 – Mooshin

Xisbiga cusub oo hadda haysta aqlabiyadda Baarlamaanka waxa ay abuuri karaan mooshinno ka dhan Ra’iisul Wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka ama Madaxweynaha. Waxa ay haystaan sida la sheegay 80 xildhibaan, taasi oo macnahaeedu yahay inay mooshin kasta oo ay doonaan ay si deg deg ah u gayn karaan baarlamanka. Ka sokow xildhibaanada ay haystaan, waxaan shaki ku jirin inay heli karaan xildhibaanno kale, oo dowladda kasoo horjeeda. Sidaas darteed layaab ma noqon doonto haddii toddobaadyada ama bilaha soo socda aan maqalno mooshin la geeyey baarlamanka.

2 – Xoojinta Maamul Gobolleedyada

Iyada oo uu hore u jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyey dowladda Federaal-ka Soomaaliya, hadana waxa uu Xisbigan siin karaa awood Dowlad Gobolleedyada oo lagu tuhmayey in ay horeba xubno ka mid ah soo kiciyeen kana dambeeyeen war murtiyeedkii Kismaayo ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray. Waxaa sidoo kale aan xog ku helnay in dhammaan madaxda xisbiyada mucaaradka ay tagi doonaan shirka madax goboleedyada ee 10-ka October ka furmaya Garoowe, isbaheysina la dhisan doonaan madax goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com