Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu wareegto ku magacaabay Taliyaha howlgelinta ciidanka nabad sugida Qaranka ee NISA.
Wasiirka ayaa xilkaasi u magacaabay Guddoomiyihii hore ee Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar.
Taliyaha cusub ee howlgalinta NISA Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa horay usoo qabtay xilal dhowr ah oo dhanka Hay’adaha amaanka waxa uuna dhawaan lasoo shaqeeyay maamulka Koonfur Galbeed.
Xilkaani ayaa la sheegay in laga qaaday gaanshanle sare Cabdiraxmaan Axmed Caraale Xerow, oo ka horyimid howlgalka hub ka dhigista ee ka socda Muqdisho.
Xerow ayaa la sheegay inuu taliyaha nabad-sugidda weydiiyey sababta howl-galka hub ka dhigista loogu koobay kaliya deegaano gaar ah, islamarkaana deegaanada hubka ugu badan Muqdisho sida degmada Dayniile, aan hubka looga dhigeyn.
Sheekada dhex martay isaga iyo Sanbaloolshe ayaa la sheegay in kadib taliyaha sirdoonka uu u gudbiyey ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo kadib ku dhawaaqay in xilka laga qaado. Kheyre ayaa Dayniile waxaa degan beeshiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]