26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Xog-warran: Xaqiiqda safarkii Sheekh Shariif ee Dubai iyo dib usoo laabashada SKA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai(Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa socdaal uu toddobaadkan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku tagey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo iminka ah musharax madaxweyne.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sharifika uu magaalada Dubai kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda SKA Logistics oo ah shirkaddii horey u maamuli jirtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Shirkaddan oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa shaqada garoonka diyaaradaha laga eryey, laguna beddelay shirkadda Favori ee dalka Turkiga bishii September ee sanaddii 2013, kadib markii ay ku guul-darreysatay inay si daacad ah u qabato shaqadii loo dhiibay, hanti bandanna ka lunsatay garoonka.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee waqtigaas Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa yiri “SKA meesha wax badan ayay maamuleysay, ma fulin wixii lagu ballamay, garoonkana waxba ma aysan ka qaban saddexdii sano ee ay howsha heysay.”

Shirkaddaas ayaa waxaa markii hore dalka Soomaaliya keenay dowladdii uu Shariifka madaxda ka ahaa, waxana hadda socda galaangal ay dooneyso inay dalka dib ugu soo laabato, taasi oo ku xirnaan doonto in Sheekh Shariif uu ku guuleysto doorashada, sida ilo ku dhow ay sheegeen.

Taa beddelkeeda ayaa shirkadda waxa ay Shariifka kala hadashay sidii ay ku caawin lahayd inuu dib ugu guuleysto hoggaanka dalka.

Shirkadda Favori ee dalka Turkiga ayaa tan iyo markii ay la wareegtay howlaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku guuleysatay is-beddel dhinaca dhaqaalaha oo garoonka ay ka sameysay, ayada oo malaayin dollar ku dhistay qeybaha terminal-ka gudaha iyo kan caalamiga ah ee garoonka ee cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News