25 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Xog: Wasaaradda A/Dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Itoobiya + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Sabtidii u yeertay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho Suleymaan Dedefo, si wax uga waydiiso hadallo uu dhawaan ka sheegay warbaahinta oo ku saabsanaa ciidamada Masar ee la keenayo dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa safiirka la wadaagtay go’aan culus, waxayna u sheegtay in hadalladaasi ay faragelin ku yihiin arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa si toos ah loogu wargeliyay inuu faraha kala baxo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu ku ekaado shaqadiisa diblomaasiyadeed, si aysan mar kale u dhicin xiisad ka dhex qaraxda labada dal ee dariska oo horay isugu qabta kiiskii badda.

Safiirka ayaa maalmo ka hor sheegay in Ciidanka Masar aysan nabad ka keenayn Soomaaliya, ayna u socdaan oo kaliya inay dhibaato, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Suleymaan Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu ku yiri wareysi uu dhawaan Danjiruhu siiyay Telefishinka Universal.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan ay Masar si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Ciidanka lasoo dirao ayaa qaatay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la-qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya. Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa soo xirtay tababarkan oo si wadajir ah u maamulayeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, iyadoo taageero muuqata ka geystay dowladda Japan oo bixisay gargaar dhaqaale iyo farsamo.

Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay, halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News