Muqdisho(Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya C/welli Sheikh Axmed ayaa maanta xafiiska kula kulmay wasiiro kooban kuwaasi oo la sheegay inay isaga taageersan yihiin, kadib markii wasiir ku xigeen badan laga saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Shirka maanta ayaa golaha wasiirada waxay kaga doodayeen arimaha hishiisl horay loo saxiixay iyo xaalada siyaasada dalka Soomaaliya,laakiin arinta ayaanan noqon sidii loogu talo galay.
Inka badan 15 wasiir ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal ayaa la sheegay inay isaga baxeen xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadib markii ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayeen inuu isaga tago xafiiska, waxaana taasi ay sababtay in wasiirada laga saaro xafiiska.
Dhanka kale xukuumada Soomaaliya ayaa jawaab kulul siisay wasiir ku xigeenada dalbaday in ra’iisul wasaaraha is casilo, waxaana loogu baaqay haddii ay doonayaan inay iscasilaan iyaga warqadahooda ay soo gudbiyaan.
Sidoo kale wasiirka arimaha owqaafta iyo arimaha diinta ayaa u jawaabay wasiir arimaha gudaha kaasi oo saaka shaaciyay inay soo dhaweynayaan madaxweynaha koofur galbeed.
“Xukuumada afhayeen iyo wasiir warfaafin ayay leedahay, qof kale maba u hadli karo”sidaasi ayuu yiri wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso codka.