27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Xog: Xafiiska R/W Xamza oo fududeynaya tarxiilka Soomaalida ku nool dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Safaaradda Soomaaliya ee Sweden ayaa bilowday inay dadka Soomaalida ah ee laga soo tarxiilayo Sweden u sameyso waraaqaha Go Home-ka, si dib loogu soo celiyo dalka.

Sida ay sheegayaan xogo hoose oo soo baxaya, safaaraddu tallaabadan ayay qaaday kaddib amar uga yimid Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Warqadda Go Home-ka la’aanteed, qofka Soomaaliga ah dib looguma soo celin karo Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka ku jira xabsiga, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa warbaahinta u sheegay in loo keenay warqad sawirkiisa ku dheggan yahay, loona sheegay in safaaraddu u sameysay, isla markaana loo celinayo Soomaaliya.

“Raalli kama ihi dib u celinta. Sweden awood uma laha inay iisoo celiso Soomaaliya, balse waxaa si aan sharci ahayn u fududeysay Safaaradda,” ayuu yiri shaqsigaan, oo sheegay in xabsiga dhexdiisa looga qaaday sawirka warqada Go Home-ka loogu soo sameeyay.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in qofka Soomaaliga ah, marka uu raalli ka yahay inuu dalkiisa ku laabto uu si iskiis ah uga dalban karo safaaradda, balse haatan si sharci-darro ah loogu jarayo Soomaalida sida qasabka loo celinayo.

Inkastoo uusan awood u lahayn safiirku sameynta waraaqaha tarxiilka, haddana waxaa soo baxaya in amarku uu ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo hore u baahisay warbaahinta Sweden heshiis hoose oo dhexmaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xamza iyo dowladda Sweden, si ay u aqbalaan tarxiilka Soomaalida ku nool Sweden.

Dowladda Sweden ayaa siisay Soomaaliya shan milyan oo kronor (qiyaastii 450,000 oo doolarka Mareykanka ah), si ay Soomaaliya u aqbasho dad badan oo laga tarxiilayo Sweden, sida ay dhawaan baahisay warbaahinta Sweden.

Wargeyska Dagens Nyheter (DN) ee ka soo baxa Sweden ayaa kashifay in dowladda Sweden ay lacagtan siisay Soomaaliya, taas oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u adeegsatay inay ku maalgeliso saddex shaqo oo loo abuuray dad ku dhow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Inkastoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu beeniyay heshiiskan, kuna tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, haddana waxaa isa soo taraya xogaha la xiriira arrintan, oo si dhow ugu gacan leh Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo ku qotoma dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida horay loogu sheegay warbixinno warbaahineed oo si weyn u baahay.

- Advertisement -

Read more

Local News