Muqdisho (Caasimada Online) – Fowsiyo Maxamed Sheekh waxaa ay dhowan noqotay gabadha ugu hadal heynta badan Baarlamaanka Somalia markii ay ka xarig furatay Shariif Xasan Shiikh Aadan, madaxweynaha mamaulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Waxaa ay madax u noqotay koox xildhibaano ah oo diiday inuu Shariif Xasan ku galo gor gortan siyaasadeed, waxaana maalmahan oo dhan ay la kulmeysay musharaxiin badan oo rabay inay gacanta ku dhigaan 18-kaas xildhibaan ee iyada wakiilka ka dhigtay.
Caawa oo ah habeenka ugu dambeeya ololaha doorashooyinka ayaa musharaxiin badan ku guuleysteen iney kala jabiyaan xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo kooxdii xildhibaanada ahaa ee ay horjoogaha u aheyd.
Kooxda ololaha ee Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa qaadatay 5 ka mid ah xildhibaanadii ay heysay Fowsiyo, halka 4 xildhibaan oo kalana ay ku biireen garabka Shariif Sheekh Axmed.
Warar aan hada ka helnay Hotel Jaziira waxaa ay sheegayaan in 9 xildhibaan oo ay Fowsiyo ku jirto inay Farmaajo la fariisteen goordhow la iskuna afgartay inay codkooda siiyaan, waxaana la dajiyay 9-kii xildhibaan isla Hotel Jaziira oo ay caawa ku hoyn doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]