Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhaw xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre ayaa xaqiijiyay in warqadaha dhex-dhexaadinta ee la wad-wado kuwaas oo la sheegayo in dowladda federaalka ah ay IGAD ka codsaneyso dhex-dhexaadinta Galmudug iyo Ahlu-sunna ay run yihiin balse sida taariikhda warqaddaasi ku qoran aaney aheyn codsi cusub oo hadda ah.
Mas’uulka la hadlay Caasimada Online waxaa uu intaa ku daray in codsigaasi uu ahaa shirkii horay bishii April uga dhacay magaalada Muqdisho kaas oo markii dambe burburay, shirkaasi oo ay fududeeyeen urur goboleedka IGAD.
Hadalkan waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii ay soo baxeen warqado sheegaya in dowladda ay IGAD ka codsaneyso wada hadal siinta maamulka Galmudug iyo Ahu-sunna, arrintaas oo dowladda federaalka ah sheegeyso in wada hadalkaasi uu dhacay ka hor doorashadii madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Doorashada Xaaf ayaa meesha ka saartay rajo kasta oo laga qabo in Ahlu-Sunna lagu soo biiriyo maamulka Galmudug, waxaana la ogeyn sida arrintan ku dambeyn doonto, ayada oo kooxdan ay maamusho dhul aad u ballaaran oo Galmudug ka mid ah.
Hoos ka arag warqadda soo shaac baxday
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]