25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Xasan oo is-beddel ku sameynaya Villa Somalia kaddib markii caalamka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijinaaya in Madaxweyne Xasan uu wado qorsho uu is bedel ku sameynaayo dhamaan La taliyayaashiisa dhanka Siyaasada.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in arrintaani ay ka dambeysay kadib markii Xubno ka tirsan Saraakiisha Dam-Jadiid ay dhaliileen qaabka ay u socto Siyaasada Xarunta Madaxtooyada Somalia, waxaana suuragal ah in La taliyayaashiisu ay ka dhex muuqan doonaan qaar kamid ah Wasiiradii loo diiday ka mid ahaanshaha Xukuumada Cusub ee Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Waxaa sidoo kale la bedeli doonaa Cabdkariim Guuleed oo ah la-taliyaha siyaasadda ee madaxweynaha, maadaama loo wado xilka madaxweyne ee maamulka gobollada dhexe.

Sidoo kale, xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in hoos u dhac balaaran uu ku imaaday Xiriirka Somalia kala dhexeeya beesha Caalamka, taasi oo is-beddelada qasabtay.

Beesha Caalamka ayaa dhaliilsan Siyaasada Villa Somalia tan iyo markii dalka uu ka dhacay Isbedel Siyaasadeed, islamarkaana Khilaafyo baahan uu hareereeyay labada Gole ee DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News