Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xertiisa, uu culeys kaga imaanaaya Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan, inay isaga qafiifiyaan culeyska kaga imaanaaya Baarlamaanka.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Isniintii iyo Talaadadii si buuxdo u sheegay inaanay ku qanacsanayn magacaabidda Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cumar C/rashiid, sababo ku aadan Xukuumadda oo ay ku dhaliileen mid ka kooban hal dhinac.
Baarlamanka ayaa sidoo kale shalay diiday codsi labaad oo kaga yimid ra’iisul wasaaraha oo ku saabsanaa in waqti dheeri ah la siiyo, si uu xukuumadda u horkeeno baarlamanka.
Madaxweynaha iyo ragga ku dhow dhow oo kulan looga arrinsanaayay Xildhibaanada gadoodsan ku yeeshay Villa Somalia, ayaa waxay garwaaqsadeen in la kala jebiyo Xildhibaanada, ka hor maalinta Sabtida oo lagu wado in Baarlamaanka uu codka kalsoonida u qaado Xukuumadda.
Madaxweynaha, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu u yeeray Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble, oo ka mid ah Xildhibaanada ay isku garab yihiin C/laahi Goodax Barre, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo C/raxmaan Xoosh Jibriil, si ay uga tanaasulaan mowqifka adag ee ay ku diidan yihiin Golaha Wasiirada cusub.
Sidoo kale Madaxtooyada, ayaa waxay adeegsaneysaa tiro Xildhibaano iyo siyaasiyiin ah, si ay Xildhibaanada kaga dhaadhiciyaan inay ka noqdaan dhaliisha ay u jeedinayaan Xukuumadda, uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.
Goodax, Cosoble iyo Fowsiya, ayaa dhammaantood ku gacan seeray codsiga madaxweynaha, ugana kacay fadhiga sida ay wararka sheegayaan.
Madaxtooyada waxay horey ugu guuleysatay inay kala fur furto Xildhibaanada Baarlamaanka, marar kala duwan oo ay ka horyimaadeen Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud. Ha yeeshee markaan waxaa loo fishay mid ka duwan, sidii hore.
Marka laga soo taggo Xildhibaanada ku kacsan Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ku dhow dhow, ayaa waxaa kaloo soo baxaaya warar sheegaaya in Guddoonka Sare Baarlamaanka, aanu la dhacsanayn Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.
Xeel dheere-yaasha, ayaa waxay ku waramayaan inay adag tahay in Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo Golaha Wasiirada cusub, bacdamaa ay ku jiraan xubno ay si weyn kaga biyo diidan yihiin Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

