Xog: Xasan Sh oo xil qaadis heer sare damacsan (Yaa xilkiisa weyn doona?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, dhowaan xil ka qaadis lagu sameeyo.

Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa waxaa lagu eedeeyaa in uu ku tuntay Sharcigii Garsoorka, ka gadaal markii ay soo baxeen cadeymo muujinaaya in uu gacan bidixeen adeegsanaayo.

Waxaa xusid mudan in dhismooyin dad ay lee yihiin uu u xukmiyay dad kale, sidoo kale boosas/dhul ay lee yihiin dad maati ah, ayaa waxa uu u saxiixay rag uu jeebabkoodu qodan yahay.

Inta badan kiisaska ay qaado Maxkamada Sare ee Dalka, ayaa waxay la xiriiraan arrimaha guryaha iyo dhulalka banana.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Somaliyeed, ayaa waxay soo dhoweeyeen in la meel mariyo Sharciga Golaha Garsoorka, kaa oo dhabaha u xaaraaya in isbedel lagu sameeyo Guddiga Addeega Garsoorka.

Caydiid Ilka-Xanaf
Caydiid Ilka-Xanaf

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Isniintii waxay ansaxiyeen Sharciga Golaha Garsoorka, oo suurta gelinaaya in la soo dhiso Maxkamad Dastuuri ah, lana helo Guddi si sax ah ugu adeegga Garsoorka.

Abukaate Ilka Xanaf wuxuu in muddo ahba uu ku hawlanaa, inaan la meelmarin Sharciga Golaha Garsoorka, si aanu daaqada uga bixin, ha yeeshee codka Xildhibaanada, ayaa noqday mid u bata dhanka in la helo Garsoor, si Cadaalad leh ugu adeegga Ummadaan.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Adeeggii Garsoorka ee Dalka wuxuu ku sifeeyay, mid ku caan baxay in uu la safto dadka uu ka helaayo dhaqaalaha, isla-markaana uu ugu hiiliyo inay hantaan, ashyaa aysan xaq u lahayn.

Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay wadaa dadaal ay sida ugu dhaqsiyaha badan isbedel ugu sameyneyso Guddiga Adeegga Garsoorka, si looga gudbo masuq maasuqa uu la foollanaayo.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Shirweynihii Qaran ee dib u habaynta Garsoorka, ka sheegay in isbedel lagu samaynaayo Guddiga Adeegga Garsoorka. Lana hirgelin doono Maxkamada Dastuuriga.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ku baaqay in la helo isbedel dhab ah, oo ay dadku bogaadiyaan, wuxuuna ka digay in caqabada Garsoorku ay noqoto, mid laga foollin waayo.

Sharciga Golaha Garsoorka ee toddobaadkaan la ansaxiyay, ayaa waxa uu xadidayaa da’da shakhsiga noqonaayo Gudoomiyaha Golaha Garsoorka, wuxuuna lee yahay waa inaysan da’diisu ka yarayn 40 sano, kana weynayn 58 sano. Waxaana xusid mudan in Sharcigaan uu meesha ka saaraayo Abukaate Ilka Xanaf, in markale uu soo noqdo, bacdamaa uu dhashay 31-kii bishii Janaayo ee sanadkii 1935-kii, iyadoona uu ku dhashay Magaalada Sheekh. Waxayna da’diisu sii caga cageyneysaa 79 sano.

Ilka Xanaf, ayaa waxaa soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, kadib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Dalka Garyaqaan Xuseen Cabdi Cilmi.

Garyaqaan Xuseen, ayaa waxa uu xilkaan isna kala wareegay Gudoomiyihii ka soo horeeyay ee Maxkamada Sare Dr. Maxamuud Cumar Faarax (Indhabuur), kadib markii uu Magaalada Muqdisho ku geeriyooday 24-kii bishii November ee sanadkii 2010-ka.

Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa wuxuu xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ugu dambeen Ilka Xanaf, ayaa Talaadadii u amba baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, maalin kadib markii uu Baarlamaanku meelmariyay Sharciga Golaha Garsoorka.

Isha: Dhacdo.com

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com