25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Xasan oo maanta la kulmaya 3 madax goboleed, kuna wajahan Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir wadatashi ah isugu yeeray hoggaamiyeyaasha saddexda dowlad-goboleed ee ay isku xisbiga yihiin, sida aan xog ku helnay.

Saddexda madaxweyne dowlad-goboleed ayaa kala ah: Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor; Madaxweynaha HirShabeelle, Cali Guudlaawe; iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Wararku waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaashan uu kala hadlayo qorshaha uu la tagayo Kismaayo, oo lagu wado in madaxweynuhu maalmaha soo socda dib ugu laabto, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii horraantii bishan Oktoobar uu la yeeshay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Burburkaas kadib, hoggaanka dowladda ayaa bilaabay qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo bar-bar socda Jubbaland, kaas oo fadhigiisu noqon doono Garbahaarreey, oo ah xarunta gobolka Gedo. Ma cadda haddii qorshahaas yahay mid dhab ah ama mid loogu talo-galay in tanaasul looga qasbo Axmed Madoobe.

Safarkan labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu u badan yahay inuu heshiis ka keeno; hase yeeshee lama oga nooca heshiiskaas uu noqonayo.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu jiro qorshe laba sano oo muddo xileed ah oo Axmed Madoobe la siinayo, iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka in laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland.

Haddii taas ay dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe dhammaystan doono muddo-xileedkiisa afarta sano ah, maadaama hadda ay goor horeba u dhammaatay sanad. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu kursiga uga sii dambeeyo Xasan Sheekh, oo doorasho wajahaya May 2026.

Qorshaha shirka uu madaxweynuhu Kismaayo la tagayo ayaa la sheegayaa inay wax ka ogyihiin dowladaha deriska ah ee galaangalka ku leh arrimaha Jubaland, kaddib safarradii uu dhawaan ku tagay Addis Ababa iyo Nairobi.

Madaxweyne Xasan ayaa safar ku tagay Itoobiya 12-kii Oktoobar, wuxuuna la kulmay Ra’iisul-Wasaare Abiy Ahmed, oo la sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xiriira Jubaland, sida ay hore u shaacisay Caasimada Online.

Itoobiya waxay si weyn uga soo horjeeddaa qorshe kasta oo Gedo looga dhisayo Jubaland cusub, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Itoobiya ayaa la sheegay inay arrintan u aragto “halis ku ah amnigeeda qaranka.”

Si ay u muujiso sida ay arrintan dhab uga tahay, Addis Ababa ayaa dhowaan saraakiil milatari iyo sirdoon ah u dirtay Doolow, oo ah magaalo xuduudeed Soomaaliyeed oo ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale toddobaadkii tegay booqasho ku tagay Nairobi si uu uga qeyb-galo tacsida hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ee geeriyooday Raila Odinga, balse sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne William Ruto.

Kenya ayaa aad ula socota xaaladda Jubbaland, ayada oo wafdi Kenyaan ah ay qayb ka ahaayeen dhex-dhexaadintii wadahadalladii Kismaayo ee horraantii Oktoobar, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed. Nairobi waxay muddo dheer ku tiirsanayd Jubaland iyo Axmed Madoobe si ay ugu noqdaan aag-difaac muhiim ah oo ka celinaya kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News