26 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xog: Xasan Sheekh oo dhaqaalihii ku harsanaa bankiga faraqa ugu shubay xildhibaan raba…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu soo idleeyay taageeradii uu u muujinaayay Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Ilo wareedka ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Xassan uu Faarax C/qaadir Bankiga dhexe ee Somalia uu uga idmay dhaqaale xoogan oo la sheegay in looga gudbaayo ololaha hoose ee iminka ka socda magaalada Jowhar.

Dhaqaalaha loo idmay Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa waxaa la tilmaamay in loola gol-leeyahay in Faarax uu ku kasbado Ergooyinka ku shirsan magaalada Jowhar, si gabagabada shirka ay u xushaan magaca iyo madaxweynaha Maamulkaasi, waxa uuna Faarax C/qaadir u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimo ee maamulkaasi cusub.

Dowlada Somalia ayaa ka cabaneysa dhaqaale xumi waxaana muuqaneysa in dhaqaalihii yaraa ee keydka u ahaa Dowlada loo adeegsanaayo guul Faarax C/qaadir uu ka gaaro maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Faarax C/qaadir ayaa la dhacsan in shaqsiyadiisa loo burburiyo hantida keydka ah, waxaana suuragal ah in Dowlada Somalia ay caalamka ka dhaadhiciso in Dowladu aysan heysan dhaqaale looga gudbo doorashada dalka.

Lama oga sida Somalia ay uga gudbi laheyd caqabada ka hortaagan horumarka iyo dhibaatada la xiriirta musuqa taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News