25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xog: Xasan Sheekh oo ka been sheegay arrin aan laga fileyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay dib udhis lagu sameeyay wadadda Wadnaha ee magaalada Muqdisho, isaga oo ka been sheegay xaqiiqda dhismaha waddadaas.

Dib u dhiska wadadda Wadnaha waxaa kharashka ugu badan bixiyay ganacsatada magaalada Muqdisho oo weli lagu leeyahay qeyb ka mida kharashka lagu sameeyay wadadda. Nus Milyan Doolar kaliya ayuu bixiyay maamulka Gobolka Banaadir, lacagtan oo ahayd tii laga qaaday canshuurta Guryaha Gobolka Banaadir ee degmooyinka qaarkood.

Lacaga ay bixisay maamulka Gobolka Banaadir e dib u dhiska Wadadda Wadnaha ayaa ka dhigan in ka yar 10% kharashka guud ee ku baxay dib u dhiska wadadda, waxaana dhacday in ganacsatada suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ay lacago dheeraad ah saareen badeecooyinka ka soo dega dekadda Muqdisho si loogu bixiyo deynta dhismaha Wadadda, kadib markii kharashkii ay iska ururiyeen ku filnaan waayay

Wadaddan oo muddo bilo ah shaqeyneysa ayaan la ogeyn sababta keentay in dib loo furo xilligan, laakiin waxaa muuqata inay ka mid noqotay ololaha madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in dib loo doorto.

Hore ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u furay Waddo ay kharashka dayactirkeedda bixiyeen intiisa badan arday Soomaaliyeed iyo dadweyne, taasoo ahayd Wadadda isku xirta Sayidka iyo Isgoyska Howlwadaaag. Markaas kadibna Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ku darsatay waxqabadka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News