Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si adag kaga horyimid qorshe ay dajisay dowlada Soomaaliya kaasi oo ku saleysan qaabka loosoo dhisayo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ee imaanaya dhamaadka sanadkaan.
Wasiir ka tirsan maamulka Puntland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu gabi ahaanba ka biyo diiday damaca Xasan Sheikh ee ah in baarlamaanka imaanaya lagu dhiso qaab maamul goboleed iyo qaab qabiileed.
Wasiirka u hadlay Puntland wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu shalay soo jeediyay in aqalka sare ee baarlamaanka lagus oo dhisaa qaab maamul goboleed oo xildhibaanada ku imaanayaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aqalka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ama aqalka hoose lagu soo dhiso qaab qabaa’ileeda.
Shir gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda maamul goboleedyada dalka iyo masuuliyiinta ugu sareyso dalka ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho, mana jiro wax natiijo ah oo ilaa iyo hadda laga gaaray.
Labo maalin ayaa u dhiman madaxda Soomaalida iney go’aan mideysan qaataan maadaama ka hor shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay la filayo iney go’aan mideysan qaataan madaxda Soomaalida.
Halkan Hoose ka dhageyso Wasiirka Puntland
[su_audio url=”http://www.umadanews.com/wp-content/uploads/2016/01/Wareysi-Cali-Cabdulaahi-Warsame.mp3?_=1″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]