Muqdisho Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno saaxiibo dhow la ah Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanka uu Madaxweyne Xassan Sheekh gudoonsiiyay Liiska Beelaha ay Xildhibaanadooda u codeyn doonaan Madxaweynaha ahna Musharax Madaxweyne.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax uu Heshiis la galay Ergada soo xuleysa Xildhibaanada kuwaasi oo ay kala saxiixdeen bixinta cododka.
Xildhibaan Faarax ayaa gooni gooni kulamo ay dhaqaale la socdaan la qaatay Ergooyinka si Xildhibaanada uga midka noqon doona ay codadka u siiyaan Xassan Sheekh.
Ergada qaar ayaa la sheegay in Xubnaha ay la doonayaan kamid noqoshada Baarlamaanka ay si toos ah u horfadhiisiyeen Faarax C/qaadir waxa ayna halkaasi kuwada galeen Axdi.
Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa la sheegay in Ergada uu ku indha sarcaadiyay dhaqaale xoogan si ay u aqbalaan heshiiska codka loogu raadinaayo Xassan Sheekh.
Liiska loo gudbiyay Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa inay ku jiraan Lix Beel kuwaasi oo Heshiis la galay Faarax C/qaadir, waxaana mar waliba suuragal ah in Heshiiskaasi uu burburo.
Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa guddoomiye u ah Guddi uu dhawaan sameystay Xassan Sheekh kuwaasi oo shaqadoodu ay tahay cod raadin.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaaya qaab waliba oo uu ku heli lahaa codadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]