27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog: Beesha caalamka oo Xasan Sheekh hordhigtay inuu laba kala doorto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimda Oline) – Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kulan qaatay Seddex saac la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Madaxtooyada Somalia, kaasi oo looga hadlaayay arrimaha doorashada Somalia, waxaana Madaxweyne Xasan la hordhigay inuu kala doorto 2 arrin midkood.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Xassan ku amray kala doorashada laba arrin oo kala ah inuu qabto doorashada Madaxweynaha kama danbeys Bisha nagu soo fool leh (15 December) iyo inuu isku dhiibo Ciidamada AMISOM si dalka loo badbaadiyo ka hor inta uusan galin xaalad adag.

Wakiiladu waxa ay Xassan Sheekh u sheegen in Somalia ay iminka ku jirto Halis muuqata, sidaa aawgeedna loo baahan yahay in la badbaadiyo inta aanu dalka galin xaalad degdeg ah.

Wakiiladu waxa ay sheegen inaanu mar danbe aqbali doonin in dib u dhacyo aan ka fiirsasho laheyn lagu sameeyo doorashada Somalia, waxa ayna ku baaqen in la qabto doorashada kama danbeys bisha soo socta (15 December)

Wakiilada uu la kulmay Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan Sheekh ay u qabteen ilaa 30-ka Bishaani inuu ku cadeeyo mowqifkiisa si go’aan looga qaato.

Madaxweyne Xassan oo iminka galay jawi qalalaaso galinkara naftiisa ayaa waxa uu bilaabay la tashiyo si Wakiilada uu usiiyo war cad.

Qodobka la xiriira isku dhiibida ciidamada AMISOM ayaa waxa ay halis galinkartaa nolosha Madaxweynaha hayeeshee waxaa iminka looga fadhiyaa go’aan.

Talaabadaani ayaa waxa ay imaaneysa iyadoo inta badan Musharaxiinta la loolameysa Xassan Sheekh ay kusoo diyaar garoobeen magaalada Muqdisho, balse Madaxweyne Xassan uu ka biyo diidan yahay inuu qabto doorashada xiligeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News