27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Xog: Xeer Ilaaliyaha qaranka oo la ogaaday in madaxtooyada darteed uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Hay’adaha Dowlada F.S lagu tilmaamo kuwo ka fogaaday Cadaalada ayaa waxaa soo baxaaya in Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu ku fashilmay go’aan ka gaarista Kiiska qalalaasihii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabelle, taas oo uu geystay Wasiir Maxamed Cabdullaahi Xasan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Kiiskaasi lagu wareejiyay ayaan wali go’aan ka gaarin, kadib markii la sheegay inay usoo baxday in Wasiirka Liiska laga saaro, hayeeshee uusan go’aankaasi qaadan karin maadaama Madaxtooyada Somalia ay wadato Wasiirka.

Sharciga Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa kamid ah in Musharaxii isku dayaa carqaladeynta Doorashada gabi ahaan laga saaro Liiska Musharaxiinta, waxa ayna inta badan dadku is weydinayaan sababta Wasiir Maxamed Cabdullaahi Xasan looga saari la’ yahay Liiska.

Doorashada ka socta magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo baxa kaliya Musharaxiinta kasoo jeeda dhanka Madaxtooyada Somalia kuwaasi oo la doonayo in cododkooda ay siiyan Madaxweyne Xasan.

Lama oga sababta keentay in Xeer ilaalinta Qaranka ay ku fashilmaan Kiiskaani, walow wararka qaar ay sheegayaan in lagu celiyay go’aan ay soo saari lahaayen kadib warbixin kaga imaaday Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News