Muqdisho (Caasimada Online) – Macalin Maxamuud Sheekh oo ah Gudoomiyaha firqada mayalka adag ee ASUFA ee kooxda ka falaagoowday Ahlu-Sunna ayaa dorraad ciidamo hoostaga waxay weerar ku qaadeen magaalada Guriceel xili Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh uu Booqasho ku tagay Magaalada Dhuusamareeb Gobolka Galgaduud.
Macalin Maxamuud ayaa la sheegayaa inuu haatan si nabad ah ku joogo Magaalada Muqdisho xili Maliishiyaadka hoostagaahi dileen 15 kamid ah Ciidamada DF Soomaaliya ee ku sugnaa Magaalada Guriceel.
Macalin Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay xiriir dhow la lahaa Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa weerarka ciidamadiisu ku qaadeen Guriceel la sheegayaa inuu qeyb ka yahay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheikh ku doonayo inuu ku kala dhantaalo Shirka Dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta oo haatan ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Macalin Maxamuud ayaa ka dhigtay ASWJ-da Gobolada dhexe iyo dhalinyarada kooxda ASUFA kuwo uu u isticmaalo inuu xilal kaga helo DF. Macalin Maxamauud xiliyada uu dawladda Soomaaliya heshiiska la ahaa masuuliyiinta dawladda uu uga magacaabtay magaca ASWJ waxaa kamid ah :-
•AUN Cabdishakuur Sheikh Xasan oo ahaa Walaalka Macalin Maxamuud wuxuu magaca ASWJ uga dhigay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladdii Sheikh Shariif, wasiirkaa oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaatay gabar uu wasiirku adeer u ahaa oo gurigiisa wax ka joogtay.
•Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah wiilka Macalinka ayaa magaca ASWJ ku helay Xildhibaanimo iyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga waxaana sidaa dawladda kula heshiiyey isaga oo wata magaca ASWJ Macalin Maxamuud Sheikh Xasan.
•Xildhibaan Cabdicasiis Sh Yusuf oo la dhashay xaaska Macalin Maxamuud abtina u ah Xildhibaan Cabdisamad wuxuu Macalin Maxamuud magaca ASWJ ku siiyey oo uu dawladda horey heshiis ugula galay Wasiirka Caafimaadka DF Soomaaliya xiligii dawladda Sheikh Shariif.
Kooxda ASUFA ayaa sidoo kale taageero dhaqaale iyo mid milateri ka hesha Maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas, maamulkaa oo aan dooneyn in Gobolada dhexe Soomaaliya yeeshaan dawlad lamid ah mida Maamul goboleedka Puntland oo qeyb ka noqota Federaalka Soomaaliya.
Waxgaradka iyo aqoonyahanka Gobolada Dhexe ayaa sheegay haddii aan Dawladda Madaxweyne Xasan Sheikh talaabo ka qaadin oo aysan maxkamad soo taagin Macalin Maxamuud Sheikh Xasan oo ciidamadiisu dileen 15 askari oo ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan ay taasi noqonayso in Macalin Maxamuud haayo shaqo ay Dawladda Madaxweyne Xasan Sheikh u dirsatay oo lagu doonayo in lagu kala dhantaalo shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe Soomaaliya oo haatan ka bilaawday Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]