Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ay suurta-gal tahay inuu ka bad-baado mooshinka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ay doonayaan inay xilka kaga qaadaan, kadib dadaallo ay billaabeen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre.
Kulan ay maanta xildhibaannada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kadib markii kooramka uu shirka ku furmi lahaa ay ka dhinnaadeen 9 mudane, taasi oo waqti dheeri ah siisay Xoosh Jabriil, si uu xildhibaano badan u kasbado.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ay xildhibaano u dhow ku cadaadinayaan in la bad-baadiyo Xoosh Jabriil.
Madaxweynaha ayaa xildhibaano ku dhow waxay sheegeen inuu rumeysan yahya in xil ka qaadista Xoosh ay ka dhignaan doonto in la wiiqo awoodda maxkamadda sare ee dalka, oo ay hay’adda sharciyeed ee dalka ugu sareysa, maadaama Xoosh lagu hasyto inuu taageeray go’aankii ay ku laashay sideed kursi oo ka mid ah baarlamanka.
Dhinaca kale ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la rumeysan yahay in xil ka qaadista Xoosh ay dhaawac weyn gaarsiin karto golaha wasiirada iyo isaga, ayna ka dhignaan doonto in baarlamanku helo awood dheeri ah oo ciddii ay doonaan ay deg deg xilka uga qaadi karaan.
Dadaallada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa u muquda kuwo rajo soo geliyey Xoosh Jabriil, waxaana xildhibaanada maanta ka baaqday kulanka ay ahayd qorshe ay dejiyeen si kulanka si uu u fashilmo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

